Boqorradii Labaad Chapter 23 SOM Bible Verse Images

Boqorradii Labaad 23 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Boqorradii Labaad 23 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Boqorradii Labaad 23:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

Boqorradii Labaad 23:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo boqorkiina wuxuu u kacay gurigii Rabbiga, oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba; oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo gurigii Rabbiga laga dhex helay.

Boqorradii Labaad 23:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa boqorkii istaagay tiirka agtiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdigan oo kitaabkan ku qornaa, oo dadkii oo dhammuna axdigii bay aqbaleen oo u istaageen.

Boqorradii Labaad 23:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday.

Boqorradii Labaad 23:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu casilay wadaaddadii sanamyada caabudi jiray oo ay boqorradii dalka Yahuudah u doorteen inay foox ku shidaan meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka dalka Yahuudah iyo meelaha ku wareegsan Yeruusaalem, iyo weliba kuwii fooxa u shidi jiray Bacal, iyo qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha, iyo ciidanka samada oo dhan.

Boqorradii Labaad 23:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo geedihii Asheeraahna gurigii Rabbiga wuu ka soo bixiyey oo wuxuu geeyey Yeruusaalem dibaddeeda ilaa durdurka Qidroon, oo wuxuu ku gubay durdurkii Qidroon agtiisa, oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo budadiina ku daadshay qabuurihii dadka.

Boqorradii Labaad 23:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu dumiyey guryihii makhnuudyada oo ku dhex yiil guriga Rabbiga meeshay naaguhu ku samayn jireen daahyadii geedihii Asheeraah.

Boqorradii Labaad 23:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wadaaddadii oo dhanna wuxuu ka soo kaxeeyey magaalooyinkii dalka Yahuudah, wuuna nijaaseeyey meelihii sarsare oo wadaaddadu fooxa ku shidi jireen, tan iyo Gebac ilaa Bi'ir Shebac; oo haddana wuxuu dumiyey meelihii sarsare oo irdaha, kuwaas oo ku yiil meesha laga soo galo iridda Yashuuca oo ahaa taliyihii magaalada, oo ku yiil xagga bidix ee iridda magaalada.

Boqorradii Labaad 23:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Habase yeeshee wadaaddadii meelaha sarsare ma ay iman meeshii allabariga oo Rabbiga ee Yeruusaalem ku tiil, laakiinse walaalahood way ku dhex cuni jireen kibis aan khamiir lahayn.

Boqorradii Labaad 23:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu nijaaseeyey Tofed oo ku taal dooxadii reer Xinnom, si uusan ninna wiilkiisa ama gabadhiisa dabkii u dhex marin Moleg.

Boqorradii Labaad 23:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu fogeeyey fardihii boqorradii dalka Yahuudah ay qorraxda ku siiyeen iridda laga soo galo guriga Rabbiga ee u dhow qolkii Naataan Meleg oo bohon ahaa uu degganaa, oo gaadhifardoodkii qorraxdana buu gubay.

Boqorradii Labaad 23:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo meelihii allabariga oo ku yiil qowladda sare ee Aaxaas saqafkeeda oo boqorradii dalka Yahuudah ay sameeyeen, iyo meelihii allabariga oo Manaseh ka sameeyey labada barxadood oo guriga Rabbiga ayuu boqorkii wada dumiyey, oo halkaas intuu ka orday ayuu boodhkoodii ku shubay durdurkii Qidroon.

Boqorradii Labaad 23:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo boqorkii wuxuu kaloo nijaaseeyey meelihii sarsare oo Yeruusaalem horteeda ku yiil, kuwaas oo ku yiil midigta buurta baabba'a, kuwaas oo Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil uu u dhisay Cashtored oo ahayd karaahiyadii reer Siidoon, iyo Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon.

Boqorradii Labaad 23:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu burburiyey tiirarkii, geedihii Asheeraahna wuu jaray, oo meelahoodiina wuxuu ka buuxiyey dad lafahood.

Boqorradii Labaad 23:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba wuxuu kaloo dumiyey meeshii allabariga ee Beytel ku tiil, iyo meeshii sare oo Yaaraabcaam ina Nebaad oo dadkii Israa'iil dembaajiyey uu sameeyey, oo isla meeshii sare wuu gubay oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo geedihii Asheeraahna wuu gubay.

Boqorradii Labaad 23:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Yoosiyaah markuu soo jeestay ayuu arkay qabuurihii buurta ku yiil, oo intuu cid diray oo qabuurihii lafihii ka soo bixiyey ayuu meeshii allabariga ku dul gubay, wuuna nijaaseeyey, sidii uu ahaa erayga Rabbiga oo ninkii Ilaah naadiyey, kaasoo ahaa kii waxyaalahan naadiyey.

Boqorradii Labaad 23:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu yidhi, Taalladaas aan arkaa waa maxay? Oo dadkii magaaladu waxay ku yidhaahdeen, Waa qabrigii ninkii Ilaah oo dalka Yahuudah ka yimid oo naadiyey waxyaalahan aad ku samaysay meeshii allabariga ee Beytel.

Boqorradii Labaad 23:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu yidhi, Iska daaya oo yaan ninna lafihiisa dhaqaajin. Sidaas daraaddeed way iska daayeen lafihiisii iyo lafihii nebigii Samaariya ka yimid.

Boqorradii Labaad 23:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo guryihii meelaha sarsare oo dhan ee ku yiil magaalooyinka Samaariya ee ay boqorradii dalka Israa'iil u dhiseen inay Rabbiga kaga xanaajiyaan ayuu Yoosiyaah wada dumiyey, oo wuxuu ku sameeyey falimihii uu Beytel ku sameeyey oo kale.

Boqorradii Labaad 23:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wadaaddadii meelaha sarsare oo halkaas joogay oo dhanna wuxuu ku wada laayay meelihii allabariga dushooda, dushoodiina wuxuu ku gubay lafo dad, dabadeedna Yeruusaalem buu ku noqday.

Boqorradii Labaad 23:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa boqorkii dadkii oo dhan amray oo ku yidhi, Rabbiga Ilaahiinna ah u dhawra Iidda Kormaridda, siday ugu qoran tahay kitaabkan axdiga.

Boqorradii Labaad 23:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hubaal Iiddaas Kormaridda oo kale lama dhawrin tan iyo wakhtiyadii xaakinnadu reer binu Israa'iil xukumi jireen, iyo wakhtiyadii boqorradii dalka Israa'iil oo dhan, iyo wakhtiyadii boqorradii dalka Yahuudah toona.

Boqorradii Labaad 23:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Boqor Yoosiyaah ayaa Iiddaas Kormaridda Rabbiga loogu dhawray Yeruusaalem.

Boqorradii Labaad 23:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba Yoosiyaah wuxuu baabbi'iyey kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii, iyo teraafiimtii, iyo sanamyadii, iyo dhammaan karaahiyadii lagu arkay dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, si uu u adkeeyo erayadii sharcigii ku qornaa kitaabkii wadaadkii Xilqiyaah ka dhex helay gurigii Rabbiga.

Boqorradii Labaad 23:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo isaga hortiis ma jirin boqor la mid ah oo Rabbiga ugu soo jeestay qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan iyo xooggiisa oo dhan siduu ahaa sharcigii Muuse oo dhan, oo isagii dabadiisna ma uu kicin boqor la mid ahu.

Boqorradii Labaad 23:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse Rabbigu kama uu soo noqon cadhadiisii kululayd ee weynayd oo uu dadka Yahuudah ugu cadhooday xanaaqii uu Manaseh isaga ka xanaajiyey aawadiis.

Boqorradii Labaad 23:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu yidhi, Anigu dadkii Yahuudahna hortayda waan ka fogaynayaa, sidaan dadkii Israa'iilba u fogeeyey oo kale, oo waan duminayaa magaaladan aan doortay oo ah Yeruusaalem, iyo gurigii aan idhi, Magacaygu halkaas ha yaallo.

Boqorradii Labaad 23:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba Yoosiyaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

Boqorradii Labaad 23:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo isaga wakhtigiisii ayaa Fircoon Nekoo oo boqorka Masar ahaa ku kacay boqorkii Ashuur ilaa Webi Yufraad, oo waxaa isagii ku soo baxay Boqor Yoosiyaah, markaasaa Fircoon Nekoo isagii ku dilay Megiddoo agteeda markuu arkay.

Boqorradii Labaad 23:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo addoommadiisii intay gaadhifaras Megiddoo kaga qaadeen isagoo meyd ah ayay Yeruusaalem keeneen oo qabrigiisii ku aaseen. Markaasay dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo intay subkeen ayay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis.

Boqorradii Labaad 23:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Yehoo'aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray saddex iyo labaatan sannadood, oo intii saddex bilood ah ayuu Yeruusaalem boqor ka ahaa; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xamuutal ina Yeremyaah, oo reer Libnaah ahayd.

Boqorradii Labaad 23:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii ay awowayaashiis sameeyeen oo dhan.

Boqorradii Labaad 23:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Fircoon Nekoo ayaa isagii ku xidhay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad si uusan Yeruusaalem boqor ugu sii ahaan; oo dalkiina wuxuu saaray baad ah boqol talanti oo lacag ah iyo talanti dahab ah.

Boqorradii Labaad 23:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Fircoon Nekoo ayaa Eliyaaqiim ina Yoosiyaah boqor uga dhigay meeshii aabbihiis Yoosiyaah, oo magiciisiina wuxuu u beddelay Yehooyaaqiim, laakiinse isagu Yehoo'aaxaas buu kaxeeyey, oo markuu Masar keenay ayuu halkaas ku dhintay.

Boqorradii Labaad 23:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yehooyaaqiim lacagtii iyo dahabkii Fircoon siiyey; laakiinse wuxuu cashuuray dalka inuu lacagtii u bixiyo sidii Fircoon ugu amray; oo lacagtii iyo dahabkii wuxuu ka soo guray dadkii dalka degganaa, intii mid kastaba cashuurtiisu ahayd, si uu Fircoon Nekoo u siiyo.

Boqorradii Labaad 23:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Yehooyaaqiimna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ka ahaa kow iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Sebuudaah ina Fedaayaah, oo reer Ruumaah ahayd.

Boqorradii Labaad 23:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, sidii wixii ay awowayaashiis sameeyeen oo dhan.

Available Bible Translations

American Standard Version
2 Kings 23 (ASV) »
King James Version
2 Kings 23 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
2 Kings 23 (GW) »
World English Bible
2 Kings 23 (WEB) »
Louis Segond 1910
2 Rois 23 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
2 राजाओं 23 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
2 ਰਾਜਿਆਂ 23 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
2 ৰাজাৱলি 23 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
2 இராஜாக்கள் 23 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
2 राजे 23 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
2 రాజులు 23 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
2 રાજાઓ 23 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
2 ಅರಸುಗಳು 23 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
اَلْمُلُوكِ ٱلثَّانِي 23 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
מלכים ב 23 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
2 Reis 23 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
2 Các Vua 23 (VIE) »
Reina Valera Antigua
2 Reyes 23 (RVA) »
La Sacra Bibbia
2 Re 23 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
列 王 记 下 23 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
列 王 紀 下 23 (CUVT) »
Svenska Bibeln 1917
2 Kungaboken 23 (SV1917) »
Библия на русском
4 Царств 23 (RUSV) »
Українська Біблія
2 царів 23 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
2 Királyok 23 (KAR) »
Българска Библия
4 Царе 23 (BULG) »
De Heilige Schrift
2 Koningen 23 (NLD) »

Boqorradii Labaad (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters