Daanyeel Chapter 4 SOM Bible Verse Images

Daanyeel 4 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Daanyeel 4 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Daanyeel 4:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Anoo Boqor Nebukadnesar ah waxaan ku leeyahay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ah oo dhulka oo dhan deggan, Nabadu ha idinku badato.

Daanyeel 4:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Way ila wanaagsanaatay inaan muujiyo calaamadihii iyo yaababkii uu Ilaaha ugu sarreeyaa igu sameeyey.

Daanyeel 4:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Calaamadihiisu waaweynaa! Yaababkiisuna xoog badanaa! Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, dowladnimadiisuna waa mid jiraysa fac ilaa fac.

Daanyeel 4:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Anoo Nebukadnesar ah gurigaygaan ku nasanayay, oo waxaan ku raaxaysanayay daartayda weyn.

Daanyeel 4:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaan arkay riyo iga cabsiisay, markaasaa fikirradaydii aan sariirtayda la jiifay, iyo waxyaalihii lay tusay iga argaggixiyeen.

Daanyeel 4:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixiyey in hortayda la soo taago nimankii xigmadda lahaa oo reer Baabuloon oo dhan, inay ii caddeeyaan fasirkii riyada.

Daanyeel 4:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dabadeedna waxaa ii yimid saaxiriintii, iyo xiddigiyayaashii, iyo kuwii reer Kaldayiin, iyo kuwii wax sheegi jiray; markaasaan riyadii ku hor sheegay; laakiinse fasirkii iima ay caddayn.

Daanyeel 4:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse ugu dambaystii waxaa i hor yimid Daanyeel, oo la odhan jiray Beelteshaasar, sida magaca ilaahay, oo ilaahyada quduuskaa ruuxoodu ku jiro; markaasaan riyadii ku hor sheegay isagii, oo ku idhi,

Daanyeel 4:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Beelteshaasarow, saaxiriinta madaxdoodiiyow, waan ogahay in ilaahyada quduuskaa ruuxoodii kugu jiro, oo aan qarsoodiina ku dhibin, ee haddaba ii sheeg waxyaalihii aan ku arkay riyadaydii, iyo fasirkoodiiba.

Daanyeel 4:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidan bay ahaayeen waxyaalihii aan arkay anigoo sariirtayda ku jiifa: waxaan arkay geed dhulka ku dhex yaal, dhererkiisuna waa weynaa.

Daanyeel 4:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Geedkii waa koray, wuuna xoog badnaa, dhererkiisiina wuxuu gaadhay cirka, waxaana laga arkay meesha dhulka ugu shishaysa.

Daanyeel 4:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Caleemihiisuna way qurxoonaayeen, midhihiisuna way badnaayeen, waxaana ku tiil cunto ku wada filan wax walba. Xayawaankii duurkuna hoostiisay hadhsanayeen, haadka cirkuna waxay ku hoyan jireen laamihiisa, oo wax jidh leh oo dhammuna isagay wax ka cuni jireen.

Daanyeel 4:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Anoo sariirtayda jiifa waxaan ku arkay waxyaalihii lay tusay, mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degay.

Daanyeel 4:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu intuu aad u qayliyey yidhi, Geedka gooya, laamihiisana ka jara, caleemihiisana ka daadiya, midhihiisana kala firdhiyaa; xayawaanku hoostiisa ha ka fogaadeen, haadkuna laamihiisa.

Daanyeel 4:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku dhex daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, oo qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka ku dhex jira doogga dhulka.

Daanyeel 4:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qalbigiisuna kan dadka ha ka beddelmo, qalbiga xayawaankana isaga ha la siiyo; toddoba wakhtina ha gudbeen.

Daanyeel 4:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Xukunkii waxaa amray kuwa wax dhawra xaalkuna wuxuu ku jiraa hadalka kuwa quduuska ah, sababtu waa in waxa noolu ogaadaan in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo, oo uu madax uga dhigo kan dadka ugu hooseeya.

Daanyeel 4:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Anigoo ah Boqor Nebukadnesar ayaan riyadan arkay, adna Beelteshaasarow, fasirkeeda caddee, waayo, nimanka xigmadda leh ee boqortooyadayda joogay oo dhammu way kari waayeen inay fasirkii ii caddeeyaan; laakiinse adigu waad kartaa, waayo, ruuxii ilaahyada quduuska ah ayaa kugu jira.

Daanyeel 4:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Daanyeel oo magiciisu ahaa Beelteshaasar, ayaa inta wakhti ah yaabbanaa, fikirradiisiina wuu la welwelay. Markaasaa boqorkii u jawaabay oo ku yidhi, Beelteshaasarow, ha ka welwelin riyada ama fasirkeeda. Beelteshaasarna waa jawaabay oo yidhi, Sayidkaygiiyow, riyadu ha u noqoto kuwa ku neceb, fasirkeeduna ha u noqdo cadaawayaashaada.

Daanyeel 4:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Geedkii aad aragtay, oo koray, oo xoogga badnaa, oo dhererkiisu cirka gaadhay, ee dhulka oo dhan laga arkayay,

Daanyeel 4:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo caleemihiisu qurxoonaayeen, midhihiisuna badnaayeen, oo cuntada wax walba ku filanu ku tiil; oo hoostiisa xayawaanka duurku hadhsanayeen, oo laamihiisa haadka cirku rugta ka dhigtay,

Daanyeel 4:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waa adiga oo koray oo xoog badan yeeshay Boqorow, waayo, weynaantaadii way badatay oo cirka gaadhay dowladnimadaaduna meesha dhulka ugu shishaysa.

Daanyeel 4:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,

Daanyeel 4:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
fasirkii waa kan, Boqorow, waana amarkii Ka ugu Sarreeya, oo kugu soo degay adoo sayidkayga ah boqorow.

Daanyeel 4:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dadka waa lagaa fogayn doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo sidii dibi ayaad doog u cuni doontaa, oo waxaa ku qoyn doona dharabka samada, toddoba wakhtina waa ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.

Daanyeel 4:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo sida loo amray in la daayo jiridda iyo xididdada geedka, ayaa boqortooyadaadu hubaal ku noqon doontaa, markaad ogaato inay samooyinku wax u taliyaan.

Daanyeel 4:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba Boqorow, taladayda aqbal, dembiyadaadana xaqnimo ku jebi, xumatooyinkaagana ku jebi naxariista aad masaakiinta u naxariisatid si ay xasilloonaantaadu u sii raagto.

Daanyeel 4:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxyaalahan oo dhammu waxay ku dheceen Boqor Nebukadnesar.

Daanyeel 4:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laba iyo toban bilood dabadoodna wuxuu dhex socday gurigii boqornimada ee reer Baabuloon.

Daanyeel 4:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa boqorkii hadlay oo yidhi, Sow tanu ma aha Baabuloontii weynayd, oo aan u dhisay meel boqornimadu rug u leedahay, oo aan ammaanta weynaantayda ugu dhisay xoogga itaalkayga?

Daanyeel 4:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Intii hadalkaasu weli boqorka afkiisii ku jiray ayaa cod samada ka dhawaaqay, oo yidhi, Boqor Nebukadnesarow, adaa lagula hadlayaa, boqortooyadii waa kaa tagtay.

Daanyeel 4:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadka waa lagaa eryi doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo waxaa lagaa dhigi doonaa inaad doog u cunto sidii dibi, toddoba wakhtina way ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.

Daanyeel 4:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo isla saacaddiiba waxyaalihii waa ku dheceen Nebukadnesar; kolkaasaa dadkii laga eryay, sidii dibina doog buu u cunay, jidhkiisiina waxaa qoyay dharabkii samada, ilaa ay timihiisii u bexeen sida baalal gorgor, ciddiyihiisiina sida ciddiyo haadeed.

Daanyeel 4:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii wakhtigii dhammaaday ayaan anigoo ah Nebukadnesar indhaha kor u taagay, waxgarashadaydiina way ii soo noqotay, markaasaan ku mahadnaqay Ka ugu Sarreeya, waanan ammaanay oo ciseeyey kan weligiis nool; waayo, dowladnimadiisu waa dowladnimo aan weligeed dhammaanayn, boqortooyadiisuna waxay raagtaa fac ilaa fac;

Daanyeel 4:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama simna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, Maxaad samaynaysaa?

Daanyeel 4:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isla markiiba waxgarashadaydii way ii soo noqotay; oo ammaanta boqortooyadayda aawadeed ayaa weynaantaydii iyo dhalaalkaygii iigu soo noqdeen; markaasay waaniyayaashaydii iyo saraakiishaydii i doondooneen, oo boqortooyadaydii baa la ii dhisay, oo derejo aad u weyn baa la iigu daray.

Daanyeel 4:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haatan anigoo ah Nebukadnesar waxaan ammaanayaa oo sarraysiinayaa, oo cisaynayaa Boqorka samada, waayo, shuqulladiisa oo dhammu waa run, jidadkiisuna waa xaq; oo kuwa kibirka ku socdana isagaa kara inuu hoosaysiiyo.
Previous Chapter
« Daanyeel 3 (SOM)
Next Chapter
Daanyeel 5 (SOM) »

Available Bible Translations

American Standard Version
Daniel 4 (ASV) »
King James Version
Daniel 4 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Daniel 4 (GW) »
Berean Bible
Daniel 4 (BSB) »
World English Bible
Daniel 4 (WEB) »
Louis Segond 1910
Daniel 4 (LSG) »
Luther Bibel 1912
Daniel 4 (LUTH1912) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
दानिय्येल 4 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਦਾਨੀਏਲ 4 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
দানিয়েল 4 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
தானியேல் 4 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
दानिएल 4 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
దానియేలు 4 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
દાનિયેલ 4 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ದಾನಿಯೇಲನು 4 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
دَانِيآل 4 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
דניאל 4 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Daniel 4 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Ða-ni-ên 4 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Daniel 4 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Daniele 4 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
但 以 理 书 4 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
但 以 理 書 4 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
Danieli 4 (ALB) »
Svenska Bibeln 1917
Daniel 4 (SV1917) »
Библия на русском
Даниил 4 (RUSV) »
Українська Біблія
Даниїл 4 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Dániel 4 (KAR) »
Българска Библия
Данаил 4 (BULG) »
Det Norsk Bibel
Daniel 4 (NORSK) »
Biblia Takatifu
Danieli 4 (SWHULB) »
De Heilige Schrift
Daniël 4 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
Daniel 4 (DA1871) »

Daanyeel (SOM) Chapter Selection

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters