Ayuub Chapter 31 SOM Bible Verse Images

Ayuub 31 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Ayuub 31 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Ayuub 31:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaan axdi la dhigtay indhahayga, Haddaba bal sidee baan gabadh u fiirinayaa?

Ayuub 31:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, waa maxay qaybta laga helo Ilaaha xagga sare jooga, Iyo dhaxalka laga helo Ilaaha Qaadirka ah oo sarreeya?

Ayuub 31:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sow belaayo uma aha kuwa xaqa daran, Iyo masiibo kuwa xumaanta ka shaqeeya?

Ayuub 31:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isagu sow uma jeedin socodkayga oo dhan? Oo sow ma tirinin tallaabooyinkayga oo dhan?

Ayuub 31:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaan hawo been ah ku socday, Oo ay cagtaydu khiyaano u dheeraysay,

Ayuub 31:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
(Ha laygu miisaamo miisaan siman, Si Ilaah ku ogaado daacadnimadayda, )

Ayuub 31:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddii tallaabadaydu jidka gees uga leexatay, Oo qalbigaygu uu indhahayga raacay, Iyo haddii ay bar ceeb ahu gacmahayga ku dhegtay,

Ayuub 31:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaas anigu aan wax beero, oo mid kale ha cuno, Oo xataa waxa beertayda ka soo baxa ha la wada rujiyo.

Ayuub 31:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddii qalbigayga ay naagu sasabatay, Oo aan albaabka deriskayga ku ag dhuuntay,

Ayuub 31:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaas naagtaydu nin kale wax ha u shiiddo, Oo kuwa kale ha ku kor foororsadeen iyada.

Ayuub 31:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, kaasu waa dembi baas, Oo waa xumaan ay xaakinnadu ciqaabi lahaayeen,

Ayuub 31:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, kaasu waa dab wax dhammeeya ilaa uu baabbi'iyo, Oo waxa ii soo baxa oo dhan wuu wada rujin lahaa.

Ayuub 31:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaan addoonkayga ama addoontayda dacwadooda quudhsaday, Markay ila mudacayeen,

Ayuub 31:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba bal maxaan samayn doonaa markii Ilaah sara joogsado? Oo markuu i soo booqdose bal maxaan ugu jawaabi doonaa?

Ayuub 31:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii uurka dhexdiisa igu abuuray sow isagana ma abuurin? Oo sow uurka nalaguma dhex samayn?

Ayuub 31:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaan miskiin u diiday wax uu doonayay, Ama aan indhaha carmalka illin ka keenay,

Ayuub 31:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Amase haddaan quudkayga keligay cunay, Oo ayan agoontu wax ka cunin,

Ayuub 31:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
(Saas ma aha, laakiinse isaga tan iyo yaraantaydii waan koriyey sidii mid aabbihiis koriyo oo kale, Oo tan iyo markaan uurkii hooyaday ka soo baxayna waxaan iyada u ahaan jiray horseed, )

Ayuub 31:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaan arkay qof arrad daraaddiis u dhimanaya, Amase sabool baahan oo aan dhar haysan,

Ayuub 31:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hadduusan uurka iiga ducayn, Amase hadduusan isku kululayn dhogorta idahayga,

Ayuub 31:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Caawimaaddaydii oo aan iridda uga jeeday daraaddeed, Haddaan agoon gacantayda u qaaday,

Ayuub 31:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaas garabkaygu ha kala fakado, Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto.

Ayuub 31:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, masiibo xag Ilaah ka timid ayaa i cabsiisay, Oo sarraysnaantiisa daraaddeedna anigu waxba ma aanan samayn karin.

Ayuub 31:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaan dahab rajo ka dhigtay, Oo aan dahabka saafiga ah ku idhi, Kalsoonidayda baad tahay,

Ayuub 31:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaan ku reyreeyey maalkayga badan daraaddiis, Iyo waxyaalaha badan oo gacantaydu heshay daraaddood,

Ayuub 31:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaan fiiriyey qorraxda oo dhalaalaysa, Ama dayaxa oo iftiin ku socda,

Ayuub 31:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markaas qalbigayga haddii qarsoodi loo sasabtay, Oo anoo caabudaya aan afkayga gacanta ugu dhunkaday,

Ayuub 31:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kaasu weliba waa dembi ay xaakinnadii ciqaabi lahaayeen, Waayo, waxaan daacadlaawe u ahaan lahaa Ilaaha wax walba ka sarreeya.

Ayuub 31:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa, Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay,

Ayuub 31:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
(Afkayga uma aanan oggolaan inuu ku dembaabo Naftiisa oo aan habaar u weyddiisto;)

Ayuub 31:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dadka teendhadayda jooga haddayan isku odhan, Yaa heli kara mid aan hilibkiisa ka dhergin?

Ayuub 31:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Shisheeyuhu jidka kuma baryi jirin, Laakiinse socotada ayaan albaabbadayda u furi jiray,

Ayuub 31:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaan xadgudubkaygii daboolay sidii binu-aadmiga oo kale, Anigoo xumaantayda laabtayda ku qarinaya,

Ayuub 31:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maxaa yeelay, dadka badan waan ka baqay, Oo quudhsiga qaraabaday ayaa i cabsiiyey, Oo saas aawadeed ayaan ku aamusay, oo dibadda uma bixin.

Ayuub 31:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hoogaye haddaan lahaan lahaa mid i maqla! (Bal eeg, waa tan calaamaddaydii, haddaba Ilaaha Qaadirka ahu ha ii jawaabo;) Yaa i siinaya eedayntii uu cadowgaygu iga qoray!

Ayuub 31:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sida xaqiiqada ah garabkaygaan ku qaadan lahaa, Oo weliba madaxaan ku xidhan lahaa sidii taaj oo kale.

Ayuub 31:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaan isaga u sheegi lahaa tirada tallaabooyinkaygu inta ay tahay; Oo waxaan isaga ugu soo dhowaan lahaa sidii amiir oo kale.

Ayuub 31:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddii dalkaygu uu iga qayliyo, Oo jeexjeexiisu ay dhammaantood wada ooyaan,

Ayuub 31:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaan midhihiisa lacagla'aan ku cunay, Ama aan sabab u noqday in kuwii lahaa ay dhintaan,

Ayuub 31:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sarreenka meeshiisii yamaarug ha ka soo baxo, Oo shiciirka meeshiisiina gocondho ha ka soo baxdo. Ayuub erayadiisii way dhammaadeen.
Previous Chapter
« Ayuub 30 (SOM)
Next Chapter
Ayuub 32 (SOM) »

Available Bible Translations

American Standard Version
Job 31 (ASV) »
King James Version
Job 31 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Job 31 (GW) »
Berean Bible
Job 31 (BSB) »
World English Bible
Job 31 (WEB) »
Louis Segond 1910
Job 31 (LSG) »
Luther Bibel 1912
Hiob 31 (LUTH1912) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
अय्यूब 31 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਅੱਯੂਬ 31 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
ইয়োব 31 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
யோபு 31 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
ईयोब 31 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
యోబు 31 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
અયૂબ 31 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಯೋಬನು 31 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
أَيُّوبَ 31 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
איוב 31 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Jó 31 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Gióp 31 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Job 31 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Giobbe 31 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
约 伯 记 31 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
約 伯 記 31 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
Jobi 31 (ALB) »
Svenska Bibeln 1917
Job 31 (SV1917) »
Библия на русском
Иов 31 (RUSV) »
Українська Біблія
Йов 31 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Jób 31 (KAR) »
Българска Библия
Йов 31 (BULG) »
聖書 日本語
ヨブ記 31 (JPN) »
Det Norsk Bibel
Job 31 (NORSK) »
Biblia Takatifu
Ayubu 31 (SWHULB) »
De Heilige Schrift
Job 31 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
Job 31 (DA1871) »

Ayuub (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters