Taariikhdii Kowaad Chapter 12 SOM Bible Verse Images

Taariikhdii Kowaad 12 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Taariikhdii Kowaad 12 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Taariikhdii Kowaad 12:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba intanu waa kuwii Daa'uud ugu yimid Siiqlag, intuu weli ka dhumanayay Saa'uul ina Qiish, oo iyagu waxay ku jireen ragga xoogga badan oo la dagaal galay.

Taariikhdii Kowaad 12:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo iyagu qaansooyin bay siteen, oo gacanta midigta iyo tan bidixdaba dhagaxyo way ku wadhfin kareen, fallaadhona qaansooyin way kaga gani kareen, oo iyagu waxay ahaayeen reer Benyaamiin oo Saa'uul walaalihiis ah.

Taariikhdii Kowaad 12:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaa madax ahaa Axiiceser, dabadeedna Yoo'aash, oo ahaa ina Shemaacaah oo ahaa reer Gibecaad, iyo Yesii'eel iyo Feled oo ahaa wiilashii Casmaawed, iyo Beraakaah, iyo Yeehuu oo ahaa reer Canaatood,

Taariikhdii Kowaad 12:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Yishmacyaah oo ahaa reer Gibecoon oo ahaa nin xoog badan oo soddonka ka mid ahaa, oo weliba soddonka ka wada sarreeyey, iyo Yeremyaah, iyo Yaxasii'eel, iyo Yooxaanaan, iyo Yoosaabaad oo ahaa reer Gedeeraad,

Taariikhdii Kowaad 12:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Elcuusay, iyo Yeriimood, iyo Becalyaah, iyo Shemaryaah, iyo Shefatyaah oo ahaa reer Xaruuf,

Taariikhdii Kowaad 12:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Elqaanaah, iyo Yishiyaah, iyo Casareel, iyo Yooceser, iyo Yaashaabcaam oo ahaa reer Qorax,

Taariikhdii Kowaad 12:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Yooceelaah iyo Sebadyaah oo ahaa wiilashii Yeroxaam oo ahaa reer Gedoor.

Taariikhdii Kowaad 12:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaa reer Gaad Daa'uud isaga soocay oo ugu tegey dhufayskii cidlada ku yiil rag xoog badan oo ah rag dagaal loo tababbaray, oo gaashaan iyo waran qaadan karay, oo wejigooduna wuxuu ahaa sida weji libaax oo kale, oo waxay u dheereeyeen sida cawsha buuraha joogta.

Taariikhdii Kowaad 12:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo iyaga waxaa madax ahaa Ceser, Cobadyaahna wuxuu ahaa kii labaad, Elii'aabna kii saddexaad,

Taariikhdii Kowaad 12:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Mishmannaahna kii afraad, Yeremyaahna kii shanaad,

Taariikhdii Kowaad 12:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Catayna kii lixaad, Elii'eelna kii toddobaad,

Taariikhdii Kowaad 12:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Yooxaanaanna kii siddeedaad, Elsaabaadna kii sagaalaad,

Taariikhdii Kowaad 12:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Yeremyaahna kii tobnaad, Makbannayna kii kow iyo tobnaad.

Taariikhdii Kowaad 12:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwaas oo ahaa reer Gaad waxay ahaayeen saraakiishii ciidanka, oo kii iyaga ugu yaraa wuxuu u dhigmaa boqol nin, kii ugu weynaana kun nin.

Taariikhdii Kowaad 12:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kuwaasu waxay ahaayeen kuwii bishii kowaad ka gudbay Webi Urdun oo buuxdhaafay oo qararka oo dhan ka daatay, oo iyagu waxay kala eryeen dadkii dooxooyinka degganaa oo dhan, xagga bari, iyo xagga galbeedba.

Taariikhdii Kowaad 12:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaa dhufayska Daa'uud ugu yimid reer Benyaamiin iyo reer Yahuudah qaarkooda.

Taariikhdii Kowaad 12:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Daa'uud u baxay inuu iyaga ka hor tago, oo intuu jawaabay ayuu ku yidhi, Haddaad nabdoon iigu timaadeen inaad i caawisaan qalbigaygu wuu idinla jiri doonaa, laakiinse haddaad iigu timaadeen inaad cadaawayaashayda ii gacangelisaan, Ilaahii awowayaasheen taas ha fiiriyo oo ha canaanto, maxaa yeelay, gacmahayga wax xumaan ahu kuma jiraan.

Taariikhdii Kowaad 12:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa ruuxii ku soo degay Camaasay oo soddonkii nin madax u ahaa, oo wuxuu yidhi, Daa'uudow, ina Yesayow, annagu waxaannu nahay kuwaagii, waannuna ku garab taagan nahay. Nabad. Nabad ha kula jirto, oo kaalmeeyayaashaadana nabad ha la jirto, waayo, waxaa ku caawiya Ilaahaaga. Markaasaa Daa'uud iyagii soo dhoweeyey oo wuxuu ka dhigay saraakiishii guutada.

Taariikhdii Kowaad 12:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba reer Manasehna qaar baa Daa'uud geestiisa soo maray markuu raacay reer Falastiin oo Saa'uul dagaal ugu yimid, laakiinse iyagii ma ay caawiyin, waayo, saraakiishii reer Falastiin talay isagii ku eryeen, oo waxay isyidhaahdeen, Isagu intuu madaxyadeenna khatar geliyo ayuu sayidkiisii Saa'uul garab geli doonaa.

Taariikhdii Kowaad 12:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markuu Siiqlag tegey waxaa geestiisa reer Manaseh ka soo maray Cadnaah, iyo Yoosaabaad, iyo Yediica'eel, iyo Miikaa'eel, iyo Yoosaabaad, iyo Eliihuu, iyo Silletay, oo dhammaantood ahaa saraakiil u taliya kun kun reer Manaseh ah.

Taariikhdii Kowaad 12:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxay Daa'uud ka caawiyeen guutadii wax dhacaysay, waayo, waxay ahaayeen rag xoog badan oo ahaa saraakiishii ciidanka.

Taariikhdii Kowaad 12:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, maalin ka maalin waxaa Daa'uud u iman jiray kuwo isaga caawiya, ilamaa ay noqdeen ciidan weyn, oo ah sidii ciidanka Ilaah.

Taariikhdii Kowaad 12:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo tanuna waa tiradii kuwii madaxda u ahaa kuwii dagaalka hubka u lahaa, oo Daa'uud ugu yimid Xebroon inay boqortooyada Saa'uul isaga u rogaan sidii uu eraygii Rabbigu ahaa.

Taariikhdii Kowaad 12:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwii reer Yahuudah ee gaashaan iyo waran qaadayay waxay ahaayeen lix kun iyo siddeed boqol oo nin, oo dagaal hub u leh.

Taariikhdii Kowaad 12:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kuwii reer Simecoon ee xoogga badnaa, dagaalkana u darbanaa waxay ahaayeen toddoba kun iyo boqol.

Taariikhdii Kowaad 12:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Reer Laawina waxaa ka joogay afar kun iyo lix boqol.

Taariikhdii Kowaad 12:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Yehooyaadaacna wuxuu ahaa madaxdii reer Haaruun, oo isagana waxaa la socday saddex kun iyo toddoba boqol oo nin.

Taariikhdii Kowaad 12:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Saadooqna wuxuu ahaa nin dhallinyar oo xoog badan, oo waxaa la jiray laba iyo labaatan sirkaal oo reerkiisii wada ah.

Taariikhdii Kowaad 12:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Benyaamiin oo ahaa Saa'uul walaalihiisna waxaa ka joogay saddex kun oo nin, waayo, ilaa waagaas iyaga intoodii badnayd waxay daacad u sii ahaayeen reerkii Saa'uul.

Taariikhdii Kowaad 12:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Efrayimna waxaa ka joogay labaatan kun iyo siddeed boqol oo nin, oo ah rag xoog badan oo dhammaantood reerahooda caan ku ah.

Taariikhdii Kowaad 12:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Manaseh badhkiisiina waxaa ka joogay siddeed iyo toban kun oo nin, oo loo magacaabay inay yimaadaan oo ay Daa'uud boqraan.

Taariikhdii Kowaad 12:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Isaakaarna waxaa ka joogay rag garasho u leh wakhtiyada iyo waxa reer binu Israa'iil waajibka ku ah inay sameeyaan, oo iyaga madaxdoodu waxay ahaayeen laba boqol oo nin oo walaalahood oo dhanna iyagaa xukumay.

Taariikhdii Kowaad 12:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Sebulunna waxaa ka joogay kuwo ciidanka geli kara oo dagaalka isu safi kara, iyagoo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo isdiyaarin kara, oo aan labaqalbiilayaal ahayn, oo tiradooduna waxay ahayd konton kun oo nin.

Taariikhdii Kowaad 12:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Naftaalina waxaa ka joogay kun sirkaal oo ay la socdaan toddoba iyo soddon kun oo nin oo waran iyo gaashaan wada sita.

Taariikhdii Kowaad 12:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Daanna waxaa ka joogay siddeed iyo labaatan kun iyo lix boqol oo nin oo dagaalka isu safi kara.

Taariikhdii Kowaad 12:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Aasheerna waxaa ka joogay afartan kun oo nin oo ciidanka geli kara oo dagaalka isu safi kara.

Taariikhdii Kowaad 12:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Webi Urdun dhankiisa kalena waxaa ka yimid boqol iyo labaatan kun oo nin oo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo waxayna ahaayeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis.

Taariikhdii Kowaad 12:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Intaas oo dhan oo wada ahaa rag dagaalyahan ah oo dagaalka isu safi kara waxay Xebroon ula yimaadeen qalbi qumman inay Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan u boqraan, oo reer binu Israa'iil intooda hadhay oo dhammuna isku qalbi bay ku ahaayeen inay Daa'uud boqraan.

Taariikhdii Kowaad 12:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo iyana halkaasay Daa'uud la joogeen intii saddex maalmood ah, iyagoo wax cunaya oo wax cabbaya, waayo, walaalahood baa sooryo u diyaariyey.

Taariikhdii Kowaad 12:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba dadkii iyaga u dhowaa ee ahaa ilaa reer Isaakaar iyo reer Sebulun iyo reer Naftaali waxay cunto ku soo rareen dameerro, iyo awr, iyo baqlo, iyo dibi, oo waxay keeneen bur, iyo fudad berde ah, iyo rucubo sabiib ah, iyo khamri, iyo saliid, iyo dibi, iyo ido, dhammaanna aad iyo aad bay u badnaayeen, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil dhexdooda farxad baa jirtay.

Available Bible Translations

American Standard Version
1 Chronicles 12 (ASV) »
King James Version
1 Chronicles 12 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
1 Chronicles 12 (GW) »
World English Bible
1 Chronicles 12 (WEB) »
Louis Segond 1910
1 Chroniques 12 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
1 इतिहास 12 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
1 ਇਤਿਹਾਸ 12 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
1 বংশাৱলি 12 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
1 நாளாகமம் 12 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
1 इतिहास 12 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
1 దినవృత్తాంతాలు 12 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
1 કાળવૃતાંત 12 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
1 ಪೂರ್ವಕಾಲವೃತ್ತಾಂತ 12 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
١ أخبار 12 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
דברי הימים א 12 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
1 Crônicas 12 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
1 Sử Ký 12 (VIE) »
Reina Valera Antigua
1 Crónicas 12 (RVA) »
圣 经 简体中文和合本
历 代 志 上 12 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
歷 代 志 上 12 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
1 Kronikave 12 (ALB) »
Библия на русском
1 Паралипоменон 12 (RUSV) »
Українська Біблія
1 хроніки 12 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
1 Krónika 12 (KAR) »
Българска Библия
1 Летописи 12 (BULG) »
De Heilige Schrift
1 Kronieken 12 (NLD) »

Taariikhdii Kowaad (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters