Ishacyaah Chapter 14 SOM Bible Verse Images

Ishacyaah 14 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Ishacyaah 14 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Ishacyaah 14:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub.

Ishacyaah 14:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.

Ishacyaah 14:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay,

Ishacyaah 14:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
ayaad boqorka Baabuloon ku soo maadsan doontaa, oo waxaad ka odhan doontaa, Kii wax dulmi jiray sidee buu u dhammaaday! Magaalada gabbaro qaadan jirtay sidee bay u idlaatay!

Ishacyaah 14:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rabbigu wuxuu jebiyey hangoolkii kuwa sharka leh, iyo ushii taliyayaasha.

Ishacyaah 14:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii isagoo cadhaysan dadka ku dhufan jiray darbado joogta ah, oo quruumaha u talin jiray isagoo xanaaqsan waa la silciyaa iyadoo aan ciduna ka hor joogsan.

Ishacyaah 14:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dunida oo dhammu way nasan tahay oo way xasilloon tahay, farxad baana lala gabyayaa.

Ishacyaah 14:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dhirta berooshka ah iyo geedaha kedarka ah ee Lubnaanba way kugu reyreeyaan, oo waxay yidhaahdaan, Tan iyo waagii aad dhacday ninna nooma soo kicin inuu na jarto.

Ishacyaah 14:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
She'oolka hoose wuu soo kacay oo u dhaqdhaqaaqay inuu ku qaabbilo markaad timaado, oo wuxuu kuu soo kiciyey kuwii dhintay oo ahaa xataa kuwii dhulka ugu waaweynaa oo dhan, oo boqorradii quruumaha oo dhan wuxuu ka soo kiciyey carshiyadoodii.

Ishacyaah 14:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo iyana dhammaantood waxay kugu odhan doonaan, War adiguna ma sidayadoo kalaad u taag gabtay? Oo ma annagoo kalaad noqotay?

Ishacyaah 14:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sarrayntaadii iyo dhawaaqii shareeradahaagaba waxaa hoos loogu soo dejiyey She'ool, waxaa hoos lagaaga goglay dixiri, korkana waxaa lagaa huwiyey dixiri.

Ishacyaah 14:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Xiddigta waaberiyow, Inanka arooryadow, sidee baad samada uga soo dhacday! Kaagan quruumaha taag yareeyeyow, sidee baa dhulka laguugu riday!

Ishacyaah 14:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaad qalbigaaga iska tidhi, Anigu waxaan kori doonaa samada, oo carshigaygana xiddigaha Ilaah waan ka sara marin doonaa, oo weliba waxaan ku fadhiisan doonaa buurta shirka ee darafka woqooyi ku taal.

Ishacyaah 14:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaan kori doonaa daruuraha sare korkooda, oo waxaan noqon doonaa sida Ilaaha ugu sarreeya oo kale.

Ishacyaah 14:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse waxaa lagu dejin doonaa She'ool, iyo meelaha ugu hooseeya ee yamayska.

Ishacyaah 14:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kuwa ku arkaa way kugu dhaygagi doonaan, wayna ku fiirsan doonaan, oo waxay odhan doonaan, War kanu ma ninkii dhulka gariiriyey, oo boqortooyooyinka ruxruxay,

Ishacyaah 14:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo dunida sidii lamadegaan oo kale ka dhigay, oo magaalooyinkeedii dumiyey, oo aan maxaabiistiisa u dayn inay gurigoodii ku noqdaan baa?

Ishacyaah 14:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Boqorradii quruumaha oo dhammu dhammaantood sharaf bay ku jiifaan iyagoo mid kastaaba qabrigiisa ku jiro.

Ishacyaah 14:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse adiga waa lagu xooray, oo qabrigaagii waa lagaa fogeeyey sidii laan la karhay, oo sidii dharka kuwa la laayay oo seefta lagu mudhbixiyey oo hoos ugu dhaca dhagaxyada yamayska, ayaa sidii meyd oo kale lagugu tuntay.

Ishacyaah 14:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo iyaga kuma darsami doontid, lagumana aasi doono, maxaa yeelay, dalkaagii waad baabbi'isay, dadkaagiina waad laysay. Farcanka xumaanfalayaasha weligood mar dambe lama magacaabi doono.

Ishacyaah 14:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Meel lagu laayo u diyaarsha carruurtiisa xumaantii aabbayaashood aawadeed, si ayan u sara kicin, oo ayan dhulka u hantiyin, oo ayan dunida korkeedana magaalooyin uga buuxin.

Ishacyaah 14:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigaa ku soo kici doona iyaga, oo Baabuloon ayaan ka baabbi'in doonaa magac iyo dad hadhay, iyo wiil iyo wiil wiilkii.

Ishacyaah 14:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa hantida caanaqubta iyo balliyo biyo ah, oo waxaan ku xaaqi doonaa xaaqinka baabbi'inta.

Ishacyaah 14:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rabbiga ciidammadu wuxuu ku dhaartay oo yidhi, Sida xaqiiqada ah waxay noqon doontaa sidii aan ku fikiray, oo taladanuna waxay u hagaagi doontaa sidii aan u qasdiyey,

Ishacyaah 14:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
taasoo ah inaan kan reer Ashuur dalkayga ku jebin doono, buurahayga korkoodana isaga ku tuman doono, markaasaa harqoodkiisu iyaga ka fogaan doonaa, culayskiisuna garbahooda ka degi doonaa.

Ishacyaah 14:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kanu waa qasdigii loola qasdiyey dhulka oo dhan, oo tanuna waa gacantii lagu kor fidiyey quruumaha oo dhan.

Ishacyaah 14:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, Rabbiga ciidammadu waxan wuu u qasdiyey, haddaba bal yaa burin doona? Oo gacantiisiina way soo fidsan tahay, yaa dib u celin doona?

Ishacyaah 14:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sannaddii Boqor Aaxaas dhintay ayaa warkan culus la yidhi.

Ishacyaah 14:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Reer Falastiin oo dhammow, ha ku farxin in ushii lagugu garaacay jabtay, maxaa yeelay, abeesada xididkeeda waxaa ka soo bixi doona jilbis, oo farcankiisuna wuxuu noqon doonaa masduulaa dab leh.

Ishacyaah 14:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo curadka masaakiinta ayaa wax cuni doona, kuwa baahanna ammaan bay ku jiifsan doonaan, oo xididkaagana waxaan ku dili doonaa abaar, kuwa kaa hadhayna waa la layn doonaa.

Ishacyaah 14:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Iriddow, barooro. Magaaladaay, ooy! Reer Falastiin oo dhammow, kulligaa cabsi la dhalaal, waayo, waxaa woqooyi ka iman doona qiiq, oo midna saaxiibbadiis kama hadhi doono.

Ishacyaah 14:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba bal maxaa loogu jawaabi doonaa wargeeyayaasha quruunta? Waxaa loogu jawaabi doonaa in Rabbigu Siyoon aasaasay oo kuwa dhibaataysan ee dadkiisuna ay dhexdeeda magangeli doonaan.
Previous Chapter
« Ishacyaah 13 (SOM)
Next Chapter
Ishacyaah 15 (SOM) »

Available Bible Translations

American Standard Version
Isaiah 14 (ASV) »
King James Version
Isaiah 14 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Isaiah 14 (GW) »
World English Bible
Isaiah 14 (WEB) »
Louis Segond 1910
Ésaïe 14 (LSG) »
Luther Bibel 1912
Jesaja 14 (LUTH1912) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
यशायाह 14 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਯਸਾਯਾਹ 14 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
যিচয়া 14 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
ஏசாயா 14 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
यशया 14 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
యెషయా 14 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
યશાયા 14 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಯೆಶಾಯನು 14 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
إِشَعْيَاءَ 14 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
ישעיה 14 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Isaías 14 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
I-sai-a 14 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Isaías 14 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Isaia 14 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
以 赛 亚 书 14 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
以 賽 亞 書 14 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
Isaia 14 (ALB) »
Svenska Bibeln 1917
Jesaja 14 (SV1917) »
Библия на русском
Исаия 14 (RUSV) »
Українська Біблія
Ісая 14 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Ézsaiás 14 (KAR) »
Българска Библия
Исая 14 (BULG) »
Det Norsk Bibel
Jesaja 14 (NORSK) »
Biblia Takatifu
Isaya 14 (SWHULB) »
De Heilige Schrift
Jesaja 14 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
Esajas 14 (DA1871) »

Ishacyaah (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters