Samuu'eel Kowaad 14 SOM
Samuu'eel Kowaad Chapter 14 SOM Bible Verse Images
Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International
Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.
You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:
- You must give Attribution to the work.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.
Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.
This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:
- You include the above copyright and source information.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures
Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba waxaa maalin dhacay inuu Yoonaataan ina Saa'uul ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo hubkiisa u siday, Bal ina keen aan ciidanka reer Falastiin oo xaggaas jooga u gudubnee. Laakiinse taas uma uu sheegin aabbihiis.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Saa'uulna wuxuu joogay Gibecaah darafkeeda, oo wuxuu hoos fadhiyey geed rummaanka ah oo Migroon ku yaal; oo dadkii isaga la joogayna waxay ahaayeen in ku dhow lix boqol oo nin,
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Axiiyaah oo ahaa ina Axiituub, oo Iikaboodna walaalkiis ahaa, ee ahaa reer Fiinexaas ina Ceelii oo ahaa wadaadkii Rabbiga oo Shiiloh joogay, isagoo eefod qaba. Oo dadkuna ma ogayn inuu Yoonaataan tegey.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Yoonaataan marinkii uu doonayay inuu uga gudbo ciidanka reer Falastiin waxaa dhinac kaga yiil buur dhagax ah, dinaca kalena waxaa kaga yiil buur dhagax ah, oo middood magaceedu wuxuu ahaa Boosees, oo tan kale magaceedana waxaa la odhan jiray Seneh.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo buur waxay ku tiil xagga woqooyi oo Mikmaash ka horraysa, oo tan kalena waxay ku tiil xagga koonfureed oo Gebacda horraysa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yoonaataan wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo hubkiisa u siday, Kaalay, oo ina keen aan xagga ciidanka buuryoqabka ah u gudubnee, waayo, waxaa suurtowda in Rabbigu inoo shaqeeyo, maxaa yeelay, Rabbiga waxba kama hor joogsan karaan inuu ku badbaadiyo kuwo badan ama kuwo yarba.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kii hubka u sidayna wuxuu ku yidhi, Wax alla waxa qalbigaaga ku jira yeel, oo bal eeg, waan kula socdaa, oo sida qalbigaagu yahay weeye kayguna.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Bal eeg, nimanka xaggooda ayaynu u gudbaynaa, oo isu muujinaynaa iyaga.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo haddii ay inagu yidhaahdaan, Jooga halkiinna ilaa aannu idiin nimaadno, markaas waxaynu iska joogaynaa meesheenna, oo una tegi mayno.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse haddii ay inagu yidhaahdaan, Kaalaya oo soo fuula, markaasaynu fuulaynaa, waayo, Rabbigu iyaga gacanteennuu soo geliyey, oo taasaa calaamadii inoo ahaan doonta.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo labadoodiiba waxay isu muujiyeen ciidankii reer Falastiin; markaasay kuwii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Bal eega Cibraaniyadii waxay ka soo baxayaan godadkii ay ku dhuunteene.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo raggii ciidanku waxay Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Soo fuula, wax baannu idin tusaynaaye. Markaasaa Yoonaataan wuxuu ku yidhi kii hubkiisa u siday, Iga soo daba fuul, waayo, Rabbigu wuxuu iyaga soo geliyey gacanta reer binu Israa'iil.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yoonaataan buurtii fantay, kii hubkiisa u sidayna wuu daba socday, oo kuwii reer Falastiinna way ku hor dhaceen Yoonaataan, kii hubkiisa u sidayna wuu ka daba laayay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday intii ugu horraysay oo ay laayeen waxay ahayd in ku dhow labaatan nin oo ay ku laayeen goob nus tacab ah.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo cabsi weyn bay la qadhqadheen kuwii xerada ku jiray, iyo kuwii duurka joogay iyo dadkii oo dhanba; oo xataa ciidankii, iyo waxdhacayaashuna way wada gariireen, oo dhulkuna waa gariiray, haddana waxaa jiray gariir aad iyo aad u weyn.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Saa'uul waardiyayaashiisii Gibecaahdii reer Benyaamiin joogay wax fiiriyeen, oo waxay arkeen dadkii badnaa oo kala firdhay oo xaggan iyo xaggaa u kala yaacay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasaa Saa'uul wuxuu dadkii isaga la jiray ku yidhi, Bal tiriya, oo eega kii inaga tegey kuu yahay. Oo markay tiriyeen waxay arkeen inayan Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday halkaas joogin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Saa'uul wuxuu Axiiyaah ku yidhi, Sanduuqii Ilaah halkan keen. Waayo, waagaas sanduuqa Ilaah wuxuu la jiray reer binu Israa'iil.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markuu Saa'uul la hadlayay wadaadkii, rabshaddii ku jirtay xerada reer Falastiin ayaa sii adkaatay oo sii badatay; kolkaasaa Saa'uul wuxuu wadaadkii ku yidhi, Gacanta laab.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Saa'uul iyo dadkii la jiray oo dhammuba isa soo wada urursadeen, oo waxay yimaadeen goobtii dagaalka. Oo bal eeg, nin walba seeftiisii waxay ku dhacday saaxiibkiis, oo waxaa jiray baabba' aad u weyn.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Cibraaniyadii markii hore la jiray reer Falastiin, oo intay raaceen xerada la galay, iyagoo dalka ku wareegsan ka yimid, xataa iyana way soo jeesteen, oo waxay ku darmadeen reer binu Israa'iilkii la jiray Saa'uul iyo Yoonaataan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaasuu Rabbigu maalintaas u badbaadiyey reer binu Israa'iil; oo dagaalkiina wuxuu u sii gudbay xagga Beytaawen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo maalintaas dadka reer binu Israa'iil way dhibaataysnaayeen; laakiinse Saa'uul baa dadkii dhaariyey oo ku yidhi, Ilaa ay fiidkii noqoto, oo aan cadaawayaashayda ka aarsado ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Haddaba dadkii cunto ma dhadhamin innaba.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadkii oo dhammu waxay soo galeen duurkii, dhulkana waxaa yiil malab.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii dadkii soo galay duurkii ayaa malabkii soo dareeray, laakiinse ninna gacanta afka ma saarin, waayo, dadku waxay ka cabsadeen dhaartii.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse Yoonaataan ma uu maqlin markii aabbihiis dadka dhaarta ku amray, sidaas aawadeed wuxuu soo fidiyey ushii gacanta ugu jirtay caaraddeedii, oo wuxuu daray malabkii, markaasuu gacantii afka saaray; oo indhihiisiina aad bay u iftiimeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa dadkii mid ka mid ahu u jawaabay, oo ku yidhi, Aabbahaa dadka dhaar buu aad ugu amray oo yidhi, Maanta ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Oo dadkiina way itaal darnaayeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Aabbahay isagaa dalka dhibay, waan idin baryayaaye, bal eega sida indhahaygu u iftiimeen, maxaa yeelay, in yar baan ka dhadhamiyey malabkan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba intee bay ka sii fiicnaan lahayd haddii dadku maanta ikhtiyaar wax uga cuni lahaayeen wixii ay cadaawayaashooda ka dhaceen ee ay heleen? Waayo, hadday sidaas ahaan lahayd reer Falastiin dhexdooda layn tan ka weyn baa ku dhici lahayd.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo maalintaas waxay reer Falastiin ku laayeen ilaa Mikmaash iyo tan iyo Ayaaloon; oo dadkuna aad bay u itaal darnaayeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadkiina wixii ay dhaceen ayay ku boodeen, oo waxay qaateen ido iyo dibi iyo weylo, oo dhulkay ku qasheen, markaasaa dadkii waxay cuneen hilibkii oo dhiig leh.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dabadeedna waxaa loo sheegay Saa'uul, oo lagu yidhi, Bal eeg, dadku Rabbigay ku dembaabaan, markay cunaan hilib dhiig leh. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aad baad u xadgudubteen, haddaba maanta ii soo giringiriya dhagax weyn.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Dadka dhex gala, oo waxaad ku tidhaahdaan, Nin waluba halkan ha iigu keeno dibigiisa, nin walubana laxdiisa, oo halkan ku gowraca oo cuna; oo Rabbiga ha ku dembaabina intaad hilib dhiig leh cuntaan. Habeenkaas dadkii oo dhammu nin waluba wuxuu keenay dibigiisii, kolkaasay halkaas ku gowraceen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Saa'uul wuxuu Rabbiga u dhisay meel allabari, oo taasuna waxay ahayd meeshii allabariga ee ugu horraysay uu Rabbiga u dhiso.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Saa'uulna wuxuu yidhi, Ina keena aynu reer Falastiin raacdaysannee oo habeennimo mirnee, oo tan iyo aroortii dhacnee, oo ninkoodna yeynan ka sii dayn. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Wax alla wixii kula wanaagsan samee. Markaasaa wadaadkii wuxuu yidhi, Ina keena aynu Rabbiga u dhowaannee.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Saa'uul Ilaah talo weyddiistay, oo wuxuu yidhi, Miyaan reer Falastiin raacdaystaa? Oo ma doonaysaa inaad iyaga soo geliso gacanta reer binu Israa'iil? Laakiinse maalintaas Ilaah uma uu jawaabin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Madaxda reer binu Israa'iil oo dhammay, soo dhowaada, oo maanta dembiganu wuxuu ku jiray bal soo ogaada oo soo eega.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, Rabbiga reer binu Israa'iil badbaadiya noloshiisaan ku dhaartaye, xataa hadduu ku jiray wiilkayga Yoonaataan, hubaal kaasu wuu dhiman doonaa. Laakiinse dadkii oo dhan laguma arag nin u jawaabay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Idinku dhan joogsada, aniga iyo wiilkayga Yoonaataanna dhanka kale ayaannu joogsanaynaa. Dadkiina waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Wixii kula wanaagsan samee.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu ku yidhi Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Saamiga runta ah na tus. Oo wuxuu saamigii ku dhacay Yoonaataan iyo Saa'uul, laakiinse dadkii way baxeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Noo saami rida aniga iyo wiilkayga Yoonaataan. Dabadeedna saamigii wuxuu ku dhacay Yoonaataan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Bal ii sheeg waxaad samaysay. Oo Yoonaataan wuu u sheegay oo ku yidhi, Xaqiiqa in yar oo malab ah ayaan ku dhadhamiyey ushii gacanta iigu jirtay caaraddeedii; haddaba waa inaan dhintaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daran ha sameeyo, waayo, Yoonaataan, hubaal waa inaad dhimataa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadkii waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Yoonaataan oo badbaadadan weyn ku dhex sameeyey reer binu Israa'iil, ma inuu dhintaa? Yaanay noqon; Rabbiga noloshiisaan ku dhaarannay ee waa inaan tin keliya oo madaxiisu dhulka ku dhicin; waayo, isagu wuxuu maanta la shaqeeyey Ilaah. Sidaasay dadkii u samatabbixiyeen Yoonaataan inuusan dhiman.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Saa'uul wuxuu ka hadhay reer Falastiin raacdaysigoodii; oo reer Falastiinna meeshoodii bay tageen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii Saa'uul qabsaday boqortooyada reer binu Israa'iil wuxuu la diriray kulli cadaawayaashiisii dhan kasta ka jiray, kuwaasoo ahaa reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom, iyo boqorradii reer Soobaah, iyo reer Falastiin; oo meel kasta oo uu u jeestayba si xun buu ugu galay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo isagu si xoog leh ayuu wax ku sameeyey, oo wuxuu laayay reer Siiqlag oo reer binu Israa'iilna wuxuu ka samatabbixiyey gacantii kuwii dhici jiray.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba Saa'uul wiilashiisii waxay ahaayeen Yoonaataan iyo Yishwii, iyo Melkiishuuca; oo labadiisii gabdhoodna magacyadoodii waxay ahaayeen Meerab iyo Miikaal; tii curadda ahayd magaceedu wuxuu ahaa Meerab, tii yaraydna magaceeda waxaa la odhan jiray Miikaal.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo naagtii Saa'uul magaceeduna wuxuu ahaa Axiino'am, oo waxay ahayd ina Axiimacas; oo sirkaalkii ciidankiisana magiciisu wuxuu ahaa Abneer, wuxuuna ahaa ina Neer, kaasoo ahaa Saa'uul adeerkiis.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Qiishna wuxuu ahaa Saa'uul aabbihiis; oo Neer oo ahaa Abneer aabbihiis isna wuxuu ahaa ina Abii'eel.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intii Saa'uul noolaa oo dhan dagaal kulul oo reer Falastiin ka gees ah ayaa jiray. Oo Saa'uulna markuu arko nin xoog leh, amase nin daran wuu qaadan jiray.
Available Bible Translations
1 Samuel 14 (ASV) »
1 Samuel 14 (KJV) »
1 Samuel 14 (GW) »
1 Samuel 14 (BSB) »
1 Samuel 14 (WEB) »
1 Samuel 14 (LSG) »
1 Samuel 14 (LUTH1912) »
1 शमूएल 14 (HINIRV) »
1 ਸਮੂਏਲ 14 (PANIRV) »
1 চমূৱেল 14 (BENIRV) »
1 சாமுவேல் 14 (TAMIRV) »
1 शमुवेल 14 (MARIRV) »
1 సమూయేలు 14 (TELIRV) »
1 શમુએલ 14 (GUJIRV) »
1 ಸಮುವೇಲನು 14 (KANIRV) »
صَمُوئِيلَ ٱلْأَوَّلُ 14 (AVD) »
שמואל א 14 (HEB) »
1 Samuel 14 (BSL) »
1 Sa-mu-ên 14 (VIE) »
1 Samuel 14 (RVA) »
1 Samuele 14 (RIV) »
撒 母 耳 记 上 14 (CUVS) »
撒 母 耳 記 上 14 (CUVT) »
1 Samuelit 14 (ALB) »
1 Samuelsboken 14 (SV1917) »
1 Царств 14 (RUSV) »
1 Самуїлова 14 (UKR) »
1 Sámuel 14 (KAR) »
1 Царе 14 (BULG) »
サムエル記上 14 (JPN) »
1 Samuel 14 (NORSK) »
1 Samweli 14 (SWHULB) »
1 Samuela 14 (POLUBG) »
1 Samuël 14 (NLD) »
1 Samuel 14 (DA1871) »