Taariikhdii Labaad Chapter 20 SOM Bible Verse Images

Taariikhdii Labaad 20 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Taariikhdii Labaad 20 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Taariikhdii Labaad 20:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo taas dabadeedna waxaa Yehooshaafaad ku soo kacay inay la diriraan reer Moo'aab iyo reer Cammoon iyo qaar kale oo reer Cammoon ahaa.

Taariikhdii Labaad 20:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa qaar yimid oo waxay Yehooshaafaad u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Waxaa kugu soo socda col faro badan oo ka imanaya badda shishadeeda iyo dalka Suuriya, oo bal eeg haatan waxay joogaan Xasason Taamaar oo ah Ceyn Gedii.

Taariikhdii Labaad 20:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasaa Yehooshaafaad cabsaday, oo wuxuu isu diyaariyey inuu Rabbiga doondoono, oo dalkii Yahuudah oo dhanna soon buu ku naadiyey.

Taariikhdii Labaad 20:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay dadkii Yahuudah oo dhammu iswada urursadeen inay Rabbiga caawimaad ka weyddiistaan, oo xataa magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan way uga soo baxeen inay Rabbiga doondoonaan.

Taariikhdii Labaad 20:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasa Yehooshaafaad isdhex taagay shirkii dadka Yahuudah iyo Yeruusaalem iyagoo jooga guriga Rabbiga iyo barxadda cusub horteeda,

Taariikhdii Labaad 20:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo wuxuu yidhi, Rabbiyow Ilaahii awowayaashayow, sow ma ahid Ilaaha samada ku jira? Oo sow ma ahid kan u taliya kulli boqortooyooyinka quruumaha oo dhan? Oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal oo sidaas daraaddeed ninna kuma hor istaagi karo.

Taariikhdii Labaad 20:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ilaahayagow, dadkii dalkan degganaa sow kama aad eryin dadkaaga reer binu Israa'iil hortooda, oo weligiisba sow ma aadan siin saaxiibkaagii Ibraahim farcankiisii?

Taariikhdii Labaad 20:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba iyagu way dhex degganaan jireen, oo waxay magacaaga aawadiis uga dhex dhiseen meel quduus ah, oo waxay yidhaahdeen,

Taariikhdii Labaad 20:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markii wax shar ahu ay nagu dhacaan hadday yihiin seef ama xukun ama belaayo ama abaar, annagu waxaan soo hor istaagi doonnaa gurigan iyo adiga, (waayo, magacaagu wuxuu ku jiraa gurigan), markaasaannu kuu qayshan doonnaa annagoo dhib ku jirna, oo adna waad na maqli doontaa oo waad na badbaadin doontaa.

Taariikhdii Labaad 20:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba bal eeg reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo aad reer binu Israa'iil markay dalka Masar ka soo baxeen u diidday inay dalkooda galaan, laakiinse gees bay uga leexdeen oo mana ay baabbi'in.

Taariikhdii Labaad 20:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal eeg siday noogu abaalgudeen oo ay noogu soo baxeen iyagoo doonaya inay naga tuuraan hantidaadii aad dhaxal ahaan noo siisay.

Taariikhdii Labaad 20:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ilaahayagow, miyaadan iyaga xukumi doonayn? Waayo, annagu itaal uma hayno guutadan weyn oo nagu soo socota, oo weliba wax aannu samaynona ma naqaan, laakiinse indhahayagu adigay kuu soo jeedaan.

Taariikhdii Labaad 20:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba dadka Yahuudah oo dhammu Rabbigay hor taagnaayeen iyaga iyo dhallaankoodii iyo naagahoodii iyo carruurtoodiiba.

Taariikhdii Labaad 20:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Yaxasii'eel ina Sekaryaah, kaasoo ahaa ina Benaayaah, oo ahaa ina Yecii'eel, oo ahaa ina Matanyaah, oo reer Aasaaf ahaa, oo reer Laawi ka sii ahaa, isagoo shirka ku dhex jira.

Taariikhdii Labaad 20:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu yidhi, Kulligiin dadka Yahuudah, iyo kuwiinna Yeruusaalem deggan, iyo adiga Boqor Yehooshaafaad ahowba, wada maqla. Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dadkan faraha badan daraaddiis ha u cabsanina, hana u qalbi jabina, waayo, dagaalka ma lihidin, laakiinse Ilaah baa iska leh.

Taariikhdii Labaad 20:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba idinku berrito u dhaadhaca iyaga, oo bal eeg, waxay soo korayaan jiirta Siis, oo waxaad ka heli doontaan meesha dooxadu ku dhammaato oo ka horraysa cidlada Yeruu'eel.

Taariikhdii Labaad 20:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Idinku uma baahnaan doontaan inaad dagaalkan gashaan, haddaba dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalemow, joogsada, oo iska taagnaada, oo eega badbaadada Rabbigu idin badbaadinayo; berrito iyaga u baxa, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idinla jira.

Taariikhdii Labaad 20:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yehooshaafaad madaxa foororshay oo wejiga dhulka saaray, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuna Rabbiga hortiisay isku tuureen oo u sujuudeen.

Taariikhdii Labaad 20:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasaa kuwii reer Laawi oo ahaa reer Qohaad iyo reer Qorax waxay u istaageen inay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil cod aad iyo aad u weyn ku ammaanaan.

Taariikhdii Labaad 20:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay aroor hore kaceen oo waxay u ambabbaxeen xagga cidladii Teqooca, oo intay baxayeen ayaa Yehooshaafaad istaagay oo yidhi, Dadka Yahuudah iyo kuwiinna Yeruusaalem degganow, i maqla, rumaysta Rabbiga Ilaahiinna ah oo waad xoogaysan doontaan, oo rumaysta nebiyadiisa oo waad liibaani doontaan.

Taariikhdii Labaad 20:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markuu dadkii la tashaday ayuu doortay kuwii Rabbiga u gabyi lahaa oo ammaani lahaa iyagoo dhar quduus ah qaba oo ciidanka hor socda oo leh, Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.

Taariikhdii Labaad 20:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markay bilaabeen inay gabyaan oo Ilaah ammaanaan ayaa Rabbigu rag gaadmo ah ku soo kiciyey reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo ku soo kacay dadkii Yahuudah, oo iyagii waa la laayay.

Taariikhdii Labaad 20:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, reer Cammoon iyo reer Moo'aab ayaa is hortaageen dadkii degganaa Buur Seciir inay dhammaantood laayaan oo wada baabbi'iyaan, oo markay wada baabbi'iyeen dadkii Buur Seciir degganaa ayaa mid kastaaba kan kale ku caawiyey inuu nin kale dilo.

Taariikhdii Labaad 20:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadkii Yahuudah markay yimaadeen meeshii dheerayd ee cidlada ee wax laga dhawro ayay fiiriyeen dadkii faraha badnaa, oo waxay arkeen inay yihiin meydad dhulka ku dhacay, oo midna ma baxsan.

Taariikhdii Labaad 20:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Yehooshaafaad iyo dadkiisii markay u yimaadeen inay iyaga furtaan waxay dhexdoodii ka heleen maal badan oo meydadka la yaal iyo alaab qaali ah oo ay nafsaddooda u furteen, oo waxaasuna waxay qaadan karaan waa ka badnaayeen, oo intii saddex maalmood ah ayay dhicii guranayeen, maxaa yeelay, aad iyo aad buu u badnaa.

Taariikhdii Labaad 20:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo maalintii afraad ayay ku shireen dooxada Barako, waayo, halkaasay Rabbiga ku ammaaneen, sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Barako, oo ilaa maantadanna waa loo yaqaan.

Taariikhdii Labaad 20:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem oo dhammu iyagoo Yehooshaafaad u horreeyo waxay ku noqdeen Yeruusaalem iyagoo faraxsan, waayo, Rabbigu wuxuu kaga farxiyey libtii ay cadaawayaashoodii ka heleen.

Taariikhdii Labaad 20:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Yeruusaalem iyo gurigii Rabbiga ayay soo galeen iyagoo ka dhawaajinaya shareerado, iyo kataarado, iyo turumbooyin.

Taariikhdii Labaad 20:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo boqortooyooyinkii dalalka oo dhan waxaa ku soo degtay Ilaah cabsidiis markay maqleen in Rabbigu la diriray cadaawayaashii dadkii Israa'iil.

Taariikhdii Labaad 20:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed Yehooshaafaad boqortooyadiisii way xasilloonayd, waayo, Ilaahiis ayaa ka nasiyey hareerihiisa oo dhan.

Taariikhdii Labaad 20:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Yehooshaafaad boqor buu ka ahaa dalka Yahuudah, oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, oo Yeruusaalemna shan iyo labaatan sannadood buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Casuubaah ina Shilxii.

Taariikhdii Labaad 20:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Aasaa oo geesna ugama uu leexan, oo wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa ayuu sameeyey.

Taariikhdii Labaad 20:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli qalbigooda oo dhan ulama ay jeesan Ilaahii awowayaashood.

Taariikhdii Labaad 20:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Yeehuu ina Xanaanii taasoo ku qoran kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil.

Taariikhdii Labaad 20:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo taas dabadeedna Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah xidhiidh buu la yeeshay Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil kaasoo shuqulkiisii aad iyo aad u xumaa,

Taariikhdii Labaad 20:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo wuxuu isagii kula heshiiyey inay samaystaan doonniyo Tarshiish u dhoofa, oo doonniyihii waxay ku samaysteen Cesyoon Geber.

Taariikhdii Labaad 20:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Eliiceser ina Dodaawaahuu oo ahaa reer Maareeshaah ayaa Yehooshaafaad wax ka sii sheegay oo yidhi, Heshiiska aad Axasyaah la heshiisay aawadiis ayaa Rabbigu u burburiyey shuqulkaagii. Oo doonniyihiina way wada jajabeen, oo way kari waayeen inay Tarshiish u dhoofaan.

Available Bible Translations

American Standard Version
2 Chronicles 20 (ASV) »
King James Version
2 Chronicles 20 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
2 Chronicles 20 (GW) »
World English Bible
2 Chronicles 20 (WEB) »
Louis Segond 1910
2 Chroniques 20 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
2 इतिहास 20 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
2 ਇਤਿਹਾਸ 20 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
2 বংশাৱলি 20 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
2 நாளாகமம் 20 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
2 इतिहास 20 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
2 దినవృత్తాంతాలు 20 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
2 કાળવૃતાંત 20 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
2 ಪೂರ್ವಕಾಲವೃತ್ತಾಂತ 20 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
٢ أخبار 20 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
דברי הימים ב 20 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
2 Crônicas 20 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
2 Sử Ký 20 (VIE) »
Reina Valera Antigua
2 Crónicas 20 (RVA) »
圣 经 简体中文和合本
历 代 志 下 20 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
歷 代 志 下 20 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
2 Kronikave 20 (ALB) »
Библия на русском
2 Паралипоменон 20 (RUSV) »
Українська Біблія
2 хроніки 20 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
2 Krónika 20 (KAR) »
Българска Библия
2 Летописи 20 (BULG) »
De Heilige Schrift
2 Kronieken 20 (NLD) »

Taariikhdii Labaad (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters