Falimaha Rasuullada Chapter 13 SOM Bible Verse Images

Falimaha Rasuullada 13 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Falimaha Rasuullada 13 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Falimaha Rasuullada 13:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba kiniisaddii Antiyokh ku tiil waxaa joogay nebiyo iyo macallimiin, kuwaas oo ahaa Barnabas, iyo Simecoon oo la odhan jiray Niger, iyo Lukiyos oo reer Kuranaya ah, iyo Mana'een oo la koray taliye Herodos, iyo Sawlos.

Falimaha Rasuullada 13:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markay Rabbiga caabudayeen oo soomanaayeen ayaa Ruuxa Quduuska ahu wuxuu ku yidhi, Barnabas iyo Sawlos iigu sooca shuqulkii aan ugu yeedhay.

Falimaha Rasuullada 13:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markay soomeen oo duceeyeen oo gacmahoodii saareen dabadeed ayay direen iyagii.

Falimaha Rasuullada 13:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba iyagoo Ruuxa Quduuska ahu soo diray waxay tageen Selukiya; meeshaasna waxay uga dhoofeen Qubrus.

Falimaha Rasuullada 13:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kolkay Salamis joogeen, ereygii Ilaah bay ku wacdiyeen sunagogyada Yuhuudda; oo Yooxanaa ayay kaaliye u haysteen.

Falimaha Rasuullada 13:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kolkay gasiiraddii oo dhan dhex mareen ayay waxay yimaadeen Bafos, taas oo ay kala kulmeen nin saaxir ah oo ahaa nebi been ah oo Yuhuudi ah oo magiciisa la odhan jiray Barciise;

Falimaha Rasuullada 13:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
kaas oo la jiray taliye Sergiyos Bawlos oo ahaa nin garasha leh. Kaasu markuu u yeedhay Barnabas iyo Sawlos, wuxuu doonayay inuu ereyga Ilaah maqlo.

Falimaha Rasuullada 13:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin waxaa iyagii ka hor istaagay saaxirka Elumas (oo sidaas magiciisa loo fasiri jiray), oo wuxuu isku dayayay inuu taliyihii ka leexiyo iimaanka.

Falimaha Rasuullada 13:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Sawlos, oo ahaa Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxsamay, ayaa aad u fiiriyey,

Falimaha Rasuullada 13:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo ku yidhi, Kaaga khiyaanada iyo xumaanta oo dhammu ka buuxsantay oo ah wiilka Ibliiska iyo cadowga xaqnimada oo dhan, miyaanad ka joogsanayn qalloocinta aad ku qalloocinaysid jidadka toosan oo Rabbiga?

Falimaha Rasuullada 13:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba, bal eeg, gacanta Rabbigu waa ku saaran tahay, oo waad indha beeli doontaa, adigoo aan qorraxda arkayn intii wakhti ah. Kolkaasaa markiiba waxaa ku soo dhacday isagii ceeryaamo iyo gudcur; wuuna warwareegay oo doondoonay nin gacanta ku haga.

Falimaha Rasuullada 13:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasaa taliyihii, kolkuu arkay wixii dhacay, rumaystay, isagoo ka yaabsan Rabbiga waxbariddiisa.

Falimaha Rasuullada 13:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba Bawlos iyo kuwii la socday ayaa ka dhoofay Bafos, oo waxay yimaadeen Berga oo Bamfuliya ku jirta; markaasaa Yooxanaa ka tegey iyagii oo Yeruusaalem ku noqday.

Falimaha Rasuullada 13:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin iyagu kolkii ay ka tageen Berga waxay yimaadeen Antiyokh oo Bisidiya ku jirta; oo maalintii sabtidana sunagogga ayay galeen oo fadhiisteen.

Falimaha Rasuullada 13:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha.

Falimaha Rasuullada 13:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Bawlos istaagay isagoo gacan haadinaya, oo wuxuu yidhi. Nimanka reer binu Israa'iilow iyo kuwiinna Ilaah ka cabsadow, dhegaysta.

Falimaha Rasuullada 13:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ilaaha dadkan reer binu Israa'iil wuxuu doortay awowayaasheen, dadkana buu sarraysiiyey markay dhulka Masar degganaayeen, oo gacan taagan buuna kaga soo saaray iyagii.

Falimaha Rasuullada 13:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wakhti abbaaraha afartan sannadood ah ayuu dabiicaddoodii ugu dulqaatay cidlada.

Falimaha Rasuullada 13:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markuu toddoba quruumood ka baabbi'iyey dhulka Kancaan dabadeed ayuu dhulkoodii dhaxal u siiyey iyagii abbaaraha afar boqol iyo konton sannadood;

Falimaha Rasuullada 13:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waxyaalahaas dabadeedna wuxuu siiyey xaakinno ilaa nebi Samuu'eel.

Falimaha Rasuullada 13:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dabadeed waxay weyddiisteen boqor, markaasaa Ilaah wuxuu iyagii siiyey Saa'uul ina Qiish oo ahaa nin reer Benyaamiin intii afartan sannadood ah.

Falimaha Rasuullada 13:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkuu isagii boqortooyadii ka wareejiyeyna, wuxuu u kiciyey iyagii Daa'uud inuu boqorkooda noqdo; kaasoo uu u markhaati furay isagoo leh, Waxaan ogaaday Daa'uud oo ina Yesay ah inuu yahay nin ah sida qalbigaygu doonayo oo samayn doona waxaan doonayo oo dhan.

Falimaha Rasuullada 13:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ninkan farcankiisii Ilaah siduu ballanqaaday ayuu Israa'iil ugaga keenay Badbaadiye kaasoo ah Ciise;

Falimaha Rasuullada 13:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda.

Falimaha Rasuullada 13:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intii Yooxanaa shuqulkiisa dhammaynayay, wuxuu yidhi, Yaad u malaynaysaan inaan ahay? Anigu isagii ma ihi. Laakiin, bal eega, waxaa iga daba imanaya mid aanan istaahilin inaan kabaha cagihiisa ka furo.

Falimaha Rasuullada 13:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan.

Falimaha Rasuullada 13:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii.

Falimaha Rasuullada 13:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo.

Falimaha Rasuullada 13:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.

Falimaha Rasuullada 13:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,

Falimaha Rasuullada 13:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka.

Falimaha Rasuullada 13:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaannu idin keenaynaa war wanaagsan oo ku saabsan ballankii awowayaasheen loo ballanqaaday,

Falimaha Rasuullada 13:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay.

Falimaha Rasuullada 13:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isagii buu ka sara kiciyey kuwii dhintay inuusan mar dambe qudhun ku noqon, sidaas daraaddeed ayuu sidan ku hadlay, isagoo leh, Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday.

Falimaha Rasuullada 13:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Saas aawadeed wuxuu Sabuur kale ku yidhi, Kaaga quduuska ah uma oggolaan doontid inuu qudhmo.

Falimaha Rasuullada 13:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maxaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay;

Falimaha Rasuullada 13:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
laakiin kii Ilaah sara kiciyey, ma uu qudhmin.

Falimaha Rasuullada 13:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey;

Falimaha Rasuullada 13:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin.

Falimaha Rasuullada 13:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,

Falimaha Rasuullada 13:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal eega, kuwiinnan wax quudhsadow, yaaba oo luma; Waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul, Oo ah shuqul aydnaan rumaysan doonin, haddii laydiin sheego.

Falimaha Rasuullada 13:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkay baxayeen, dadkii waxay ka baryeen inay hadalladaas sabtida dambe kula hadlaan.

Falimaha Rasuullada 13:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba markii sunagogga laga tegey, kuwa badan oo Yuhuud ah iyo kuwa cibaadaysan oo Yuhuudda raacsan ayaa waxay raaceen Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo la hadlayay iyaga oo ku adkeeyey inay nimcada Ilaah ku sii wadaan.

Falimaha Rasuullada 13:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sabtida dambe ayaa magaaladii oo dhan in yar mooyaane isugu timid inay maqasho ereyga Ilaah.

Falimaha Rasuullada 13:45 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen.

Falimaha Rasuullada 13:46 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba Bawlos iyo Barnabas ayaa geesinimo ku hadlay iyagoo leh, Waxay ahayd lagama maarmaan in ereyga Ilaah markii hore idinka laydinkula hadlo. Laakiin idinku waad diiddeen, oo waxaad isku xukunteen sidii kuwo aan istaahilin nolosha weligeed ah, oo bal eega, sidaas aawadeed waxaannu u jeesanaynaa dadka aan Yuhuudda ahayn.

Falimaha Rasuullada 13:47 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maxaa yeelay, sidaasaa Rabbigu nagu amray isagoo leh, Waxaan kaa dhigi doonaa iftiinka quruumaha, Inaad badbaadinta u noqotid ilaa meeshii dunida ugu fog.

Falimaha Rasuullada 13:48 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba markii dadkii aan Yuhuudda ahayn taas maqleen, ayay ku farxeen oo ereygii Ilaah ammaaneen; oo waxaana rumaystay kuwii nolosha weligeed ah loo dhigay.

Falimaha Rasuullada 13:49 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ereygii Rabbigana waxaa lagu faafiyey waddankii oo dhan.

Falimaha Rasuullada 13:50 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii.

Falimaha Rasuullada 13:51 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin markay siigadii cagahooda ka dhabaandhabeen, dabadeed ayay waxay yimaadeen Ikoniyon.

Falimaha Rasuullada 13:52 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Xertiina waxaa ka buuxsamay farxad iyo Ruuxa Quduuska ah.

Available Bible Translations

American Standard Version
Acts 13 (ASV) »
King James Version
Acts 13 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Acts 13 (GW) »
Berean Bible
Acts 13 (BSB) »
World English Bible
Acts 13 (WEB) »
Louis Segond 1910
Actes 13 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
प्रेरितों के काम 13 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਰਸੂਲਾਂ ਦੇ ਕਰਤੱਬ 13 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
पশিষ্যচরিত 13 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
அப்போஸ்தலருடைய நடபடிகள் 13 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
प्रेषितांचीं कृत्यें 13 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
అపొస్తలుల కార్యములు 13 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
પ્રેરિતોનાં ક્રત્યો 13 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಅಪೊಸ್ತಲರ ಕೃತ್ಯಗಳು 13 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
أَعْمَالُ ٱلرُّسُلِ 13 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
מעשי השליחים 13 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Atos 13 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Công Vụ Các Sứ đồ 13 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Hechos 13 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Atti 13 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
使 徒 行 传 13 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
使 徒 行 傳 13 (CUVT) »
Библия на русском
Деяния 13 (RUSV) »
Українська Біблія
Дії 13 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Apostolok 13 (KAR) »
Българска Библия
Деяния 13 (BULG) »
De Heilige Schrift
Handelingen 13 (NLD) »

Falimaha Rasuullada (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters