Falimaha Rasuullada Chapter 15 SOM Bible Verse Images

Falimaha Rasuullada 15 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Falimaha Rasuullada 15 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Falimaha Rasuullada 15:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Niman Yahuudiya ka yimid ayaa walaalihii wax baray iyagoo leh, Haddaan caadada Muuse laydinku gudin, badbaadi kari maysaan.

Falimaha Rasuullada 15:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii Bawlos iyo Barnabas wax aan yarayn kula murmeen oo ku su'aaleen iyaga, ayaa walaalihii waxay doorteen Bawlos iyo Barnabas iyo kuwo kale oo iyaga ka mid ah inay Yeruusaalem aadaan oo ay u tagaan rasuulladii iyo waayeelladii inay su'aashan kala hadlaan.

Falimaha Rasuullada 15:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed iyagoo kiniisaddu soo sagootiday, waxay sii dhex mareen Foynike iyo Samaariya, iyagoo ka warramaya sidii dadkii aan Yuhuudda ahayn u soo jeesteen; waxayna aad uga farxiyeen walaalihii oo dhan.

Falimaha Rasuullada 15:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markay Yeruusaalem yimaadeen, ayaa kiniisaddii iyo rasuulladii iyo waayeelladiiba soo dhoweeyeen, markaasay waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan.

Falimaha Rasuullada 15:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin waxaa kacay kuwo dariiqadii Farrisiinta ahaa oo rumaysnaa, kuwaasoo leh, Waa in la gudo iyaga, oo lagu amro inay sharciga Muuse xajiyaan.

Falimaha Rasuullada 15:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba rasuulladii iyo waayeelladii baa ururay inay xaajadan ka tashadaan.

Falimaha Rasuullada 15:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kolkay wax badan su'aaleenna, Butros baa istaagay oo ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, waad og tihiin in maalmo hore Ilaah dhexdiinna ka doortay in dadka aan Yuhuudda ahayn ay afkayga ereygii injiilka ka maqlaan oo ay rumaystaan.

Falimaha Rasuullada 15:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Ilaaha qalbiga garta ayaa u markhaati furay iyaga, wuxuuna iyaga siiyey Ruuxa Quduuska ah siduu innagana inoo siiyey;

Falimaha Rasuullada 15:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo inama kala soocin innaga iyo iyaga, laakiin qalbiyadooda rumaysad buu ku nadiifiyey.

Falimaha Rasuullada 15:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba maxaad Ilaah u jirrabaysaan inaad harqood qoorta xerta saartaan, kaasoo innaga iyo awowayaasheen aynaan qaadi karin?

Falimaha Rasuullada 15:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin waxaan rumaysan nahay inaynu ku badbaadi doonno nimcadii Rabbi Ciise siday ugu badbaadi doonaan.

Falimaha Rasuullada 15:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dadkii badnaa oo dhammu way wada aamuseen; wayna dhegaysteen Barnabas iyo Bawlos markay uga warramayeen intay ahaayeen calaamooyinkii iyo yaababkii Ilaah gacantooda ku sameeyey dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda.

Falimaha Rasuullada 15:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkay aamuseen dabadeed ayaa Yacquub u jawaabay, isagoo leh,

Falimaha Rasuullada 15:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Walaalayaalow, i dhegaysta, Simecoon waa ka warramay sidii Ilaah markii ugu horraysay u soo booqday dadka aan Yuhuudda ahayn inuu dad uga soo bixiyo iyaga magiciisa aawadiis.

Falimaha Rasuullada 15:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Taasuna waxay raacsan tahay hadalladii nebiyada; siday ugu qoran tahay,

Falimaha Rasuullada 15:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxyaalahaas dabadeed waan soo noqon doonaa, Oo mar labaad ayaan dhisi doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay; Oo mar labaad ayaan dhisi doonaa jajabkiisa, Waanan taagi doonaa;

Falimaha Rasuullada 15:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Si nimankii hadhay ay Rabbiga u doondoonaan, Iyo quruumaha oo dhan oo magacayga loogu yeedho,

Falimaha Rasuullada 15:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Taas waxaa yidhi Rabbiga waxyaalahaas muujiyey tan iyo bilowgii dunida.

Falimaha Rasuullada 15:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed taladaydu waxay tahay inaynaan dhibin kuwa ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo Ilaah u jeestay;

Falimaha Rasuullada 15:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
laakiin inaynu u qorno iyagii inay ka fogaadaan wasakhnimada sanamyada, iyo sinada, iyo waxa la ceejiyo, iyo dhiigga.

Falimaha Rasuullada 15:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maxaa yeelay, tan iyo qarniyadii hore waxaa Muuse magaalo walba ku leeyahay kuwa dadka ku wacdiya waxa isaga ku saabsan, oo sabti walba sunagogyadaa laga akhriyaa.

Falimaha Rasuullada 15:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasay la wanaagsanaatay rasuulladii iyo waayeelladii iyo kiniisaddii oo dhan inay iska dhex doortaan niman ay Antiyokh ula diraan Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo ahaa Yuudas oo la odhan jiray Barsabaas iyo Silas oo ahaa niman madax ah walaalaha dhexdooda.

Falimaha Rasuullada 15:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay qoreen oo iyagii la direen warqad leh, Annagoo ah rasuullada iyo walaalaha waayeellada ah waxaannu soo salaamaynaa walaalaha ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo jooga Antiyokh iyo Suuriya iyo Kilikiya.

Falimaha Rasuullada 15:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaannu maqallay in kuwo annaga naga tegey hadallo idinku dhibeen, nafihiinnana rogayeen, kuwaasoo aannan u amrin;

Falimaha Rasuullada 15:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
sidaas daraaddeed waxaa nala wanaagsanaatay, annagoo isku qalbi noqonnay, inaannu soo dooranno niman aannu idiinla soo dirno gacaliyayaashayadii Barnabas iyo Bawlos,

Falimaha Rasuullada 15:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
kuwaasoo ah niman naftooda u biimeeyey magicii Rabbigeenna Ciise Masiix aawadiis.

Falimaha Rasuullada 15:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas aawadeed waxaannu soo dirnay Yuudas iyo Silas kuwaasoo iyaguna afka idiinka sheegi doona waxyaalahaas oo kale.

Falimaha Rasuullada 15:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa la wanaagsanaatay Ruuxa Quduuska ah iyo annagaba inaannan idin saarin culaab ka weyn waxyaalahan waajibka ah.

Falimaha Rasuullada 15:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waa inaad ka fogaataan waxa sanamyada loo sadqeeyo, iyo dhiig, iyo waxa la ceejiyo, iyo sinada. Kuwaas haddaad iska dhawrtaan si wanaagsan baad yeeli doontaan. Nabadgelyo.

Falimaha Rasuullada 15:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed, kolkii la diray ayay waxay yimaadeen Antiyokh; oo markay dadkii badnaa isu ururiyeen dabadeed waxay u dhiibeen warqaddii.

Falimaha Rasuullada 15:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markay akhriyeenna ayay waanadii ku farxeen.

Falimaha Rasuullada 15:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Yuudas iyo Silas, iyagoo qudhooduna nebiyo ahaa, ayay hadallo badan walaalihii ku waaniyeen oo ku xoogeeyeen.

Falimaha Rasuullada 15:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markay muddo joogeen dabadeed ayaa walaalihii nabad ugu direen kuwii iyagii u soo diray.

Falimaha Rasuullada 15:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin waxaa Silas la wanaagsanaatay inuu meeshaas sii joogo.

Falimaha Rasuullada 15:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Bawlos iyo Barnabas ayaa Antiyokh sii joogay, oo waxay kuwo badan oo kale la barayeen oo kula wacdiyeyeen ereyga Rabbiga.

Falimaha Rasuullada 15:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maalmo dabadeed Bawlos ayaa wuxuu Barnabas ku yidhi, Hadda aynu ku noqonno oo booqanno walaalaha jooga magaalo kasta oo aynu ereyga Rabbiga ku wacdinnay inaan soo aragno siday yihiin.

Falimaha Rasuullada 15:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Barnabas wuxuu doonayay inay kaxaystaan Yooxanaa oo la odhan jiray Markos.

Falimaha Rasuullada 15:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Bawlos waxaa la wanaagsanaatay inayan kaxaysan isaga kaasoo iyaga kaga tegey Bamfuliya oo aan shuqulkii iyaga u raacin.

Falimaha Rasuullada 15:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa dhacay khilaaf weyn; sidaas daraaddeed way kala tageen, markaasaa Barnabas kaxaystay Markos, oo wuxuu u dhoofay Qubrus;

Falimaha Rasuullada 15:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
laakiin Bawlos wuxuu doortay Silas, markaasuu baxay isagoo ay walaalihii ku ammaana gelinayaan nimcadii Ilaah.

Falimaha Rasuullada 15:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu dhex maray Suuriya iyo Kilikiya isagoo kiniisadihii xoogaynaya.

Available Bible Translations

American Standard Version
Acts 15 (ASV) »
King James Version
Acts 15 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Acts 15 (GW) »
Berean Bible
Acts 15 (BSB) »
World English Bible
Acts 15 (WEB) »
Louis Segond 1910
Actes 15 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
प्रेरितों के काम 15 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਰਸੂਲਾਂ ਦੇ ਕਰਤੱਬ 15 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
पশিষ্যচরিত 15 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
அப்போஸ்தலருடைய நடபடிகள் 15 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
प्रेषितांचीं कृत्यें 15 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
అపొస్తలుల కార్యములు 15 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
પ્રેરિતોનાં ક્રત્યો 15 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಅಪೊಸ್ತಲರ ಕೃತ್ಯಗಳು 15 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
أَعْمَالُ ٱلرُّسُلِ 15 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
מעשי השליחים 15 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Atos 15 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Công Vụ Các Sứ đồ 15 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Hechos 15 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Atti 15 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
使 徒 行 传 15 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
使 徒 行 傳 15 (CUVT) »
Библия на русском
Деяния 15 (RUSV) »
Українська Біблія
Дії 15 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Apostolok 15 (KAR) »
Българска Библия
Деяния 15 (BULG) »
De Heilige Schrift
Handelingen 15 (NLD) »

Falimaha Rasuullada (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters