Falimaha Rasuullada Chapter 27 SOM Bible Verse Images

Falimaha Rasuullada 27 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Falimaha Rasuullada 27 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Falimaha Rasuullada 27:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba markii la goostay inaannu Itaaliya u dhoofo ayaa Bawlos iyo dhawr kale oo maxaabiis ah waxaa loo dhiibay boqol-u-taliye magiciisa Yulyos la odhan jiray oo ka tirsanaa ciidankii boqorka.

Falimaha Rasuullada 27:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaannu fuulnay doonni Adramuteyon ka timid oo u dhoofaysay meelaha xeebta Aasiya ku yaal, markaasaannu dhoofnay oo waxaa nala socday nin Aristarkhos la odhan jiray oo reer Makedoniya ahaa oo Tesaloniika ka yimid.

Falimaha Rasuullada 27:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo maalintii dambe waxaannu nimid Siidoon; markaasaa Yulyos u naxariistay Bawlos oo fasax u siiyey inuu saaxiibbadiis u tago oo uu dhaqaalo ka helo.

Falimaha Rasuullada 27:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo haddana halkaas waannu ka dhoofnay, oo waxaannu ka hoos marnay Qubrus, maxaa yeelay, dabayshu waa na haysay.

Falimaha Rasuullada 27:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii aannu ka gudubnay badda u dhow Kilikiya iyo Bamfuliya, waxaannu nimid Mura oo ku taal Lukiya.

Falimaha Rasuullada 27:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo halkaas boqol-u-taliyihii wuxuu ka helay doonni Iskanderiya ka timid oo u dhoofaysa Itaaliya; markaasuu na fuushiiyey.

Falimaha Rasuullada 27:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kolkii aannu maalmo badan aayar soconaynay, waxaannu dhib ku nimid Kinidos horteeda, oo dabayshii ayaa noo diiday inaan hore u sii soconno, kolkaasaannu ka hoos marnay Kereetee oo ka hor jeedda Salmoonee.

Falimaha Rasuullada 27:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii aannu dhib ku dhaafnay, waxaannu nimid meel magaceeda la yidhaahdo Marsooyin Wanaagsan oo u dhow magaalada Lasaya.

Falimaha Rasuullada 27:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markii wakhti badanu dhammaaday, oo haatan dhoofku halis ahaa, maxaa yeelay, Soonkii goor horaa la soo dhaafay, ayaa Bawlos waaniyey iyagii,

Falimaha Rasuullada 27:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxay ila tahay in dhoofkanu lahaan doono waxyeello iyo khasaaro badan, umana ahaan doonaan shixnadda iyo doonnida oo keliya, laakiin xataa nafaheennu khatar bay ku sugan yihiin.

Falimaha Rasuullada 27:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin boqol-u-taliyihii wuxuu dhegaystay hadalkii naakhudihii iyo ninkii doonnida lahaa intuu dhegaysan lahaa waxyaalihii Bawlos yidhi.

Falimaha Rasuullada 27:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo marsadaasu ma ay ahayn mid ku wanaagsan in wakhtiga qabowga la joogo, sidaas daraaddeed ayaa dadkii intiisii badnayd waxay ku talisay in halkaas laga sii dhoofo, haddii si uun lagu gaadhi karo Foynikis oo halkaas wakhtiga qabowga la joogo, taasoo ah marso Kereetee ku taal oo u jeedda woqooyi-bari iyo koonfur-bari.

Falimaha Rasuullada 27:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kolkii dabayshii koonfureed tartiib u socotay ayay waxay u maleeyeen inay qasdigoodii heleen, kolkaasay barroosinkii qaadeen, oo waxay ag mareen Kereetee.

Falimaha Rasuullada 27:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin wakhti aan dheerayn dabadeed ayaa waxaa ka soo kacay duufaan weyn oo magiciisa la yidhaahdo Yurokludoon;

Falimaha Rasuullada 27:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo markii doonnidii la qabsaday oo ay wejiga siin kari weyday dabaysha, ayaannu iska dhiibnay, kolkaasay na kaxaysatay.

Falimaha Rasuullada 27:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaannu ku orodnay gasiirad yar oo Kalawda la yidhaahdo dugsigeed, oo annagoo aad u dhibtoonnay ayaan waxaan awood u helnay inaan huurigii aad u xidhno;

Falimaha Rasuullada 27:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kolkii ay kor u soo bixiyeen ayay waxay ku isticmaaleen xadhko wax tara oo doonnidiina way adkeeyeen, oo iyagoo ka cabsanaya inay Surtis oo bacaad ah ku dhacaan, ayay waxay dejiyeen shiraaqii, oo sidaasaa loo kaxaystay.

Falimaha Rasuullada 27:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo sidii aannu duufaankii aad ugu hawshoonaynay, ayay maalintii dambe shixnaddii badda ku tuureen.

Falimaha Rasuullada 27:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo maalintii saddexaadna waxay gacmahoodii ku tuureen alaabtii doonnida.

Falimaha Rasuullada 27:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii intii maalmo badan ah ayan qorraxdii iyo xiddigihii toona ifin, oo duufaan aan yaraynuna uu nagu dhacayay, ayaa rajadii aannu badbaado ku rajaynaynay oo dhan nalaga qaaday.

Falimaha Rasuullada 27:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kolkii ay wakhti dheer cuntola'aan sii joogeen ayaa Bawlos dhexdooda istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxaa idinku habboonayd inaad i maqashaan oo aydaan Kereetee ka soo dhoofin oo helin waxyeelladan iyo khasaaradan toona.

Falimaha Rasuullada 27:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba waxaan idinku waaninayaa inaad kalsoonaataan; waayo, midkiinna nafta waayi maayo, laakiin waxaa keliyahoo dumaya doonnida.

Falimaha Rasuullada 27:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, xalayto ayaa waxaa i soo ag istaagtay malaa'igtii Ilaaha i leh oo aan weliba u adeego.

Falimaha Rasuullada 27:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxay igu tidhi, Bawlosow, ha cabsan; waayo, waa inaad Kaysar hortiisa istaagtaa; oo weliba bal eeg, Ilaah wuxuu adiga ku wada siiyey kuwa kula socda oo dhan.

Falimaha Rasuullada 27:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba, niman yahow, kalsoonaada, waayo, anigu Ilaah waan rumaysanahay inay noqon doonto sidii la ii sheegay.

Falimaha Rasuullada 27:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Habase yeeshee waa inaynu ku dhacno gasiirad.

Falimaha Rasuullada 27:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin intii badda Adriya hore iyo gadaal nalagu kaxeeyey, kolkii habeenkii afar iyo tobnaad la gaadhay, goor habeenbadhkii ku dhow, ayaa baxriyiintii waxay u maleeyeen inay dhul ku soo dhowaanayeen;

Falimaha Rasuullada 27:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
kolkaasay moolkii badda qiyaas ka qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay labaatan baac, oo haddana kolkay in yar socdeen ayay mar kale qiyaas qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay shan iyo toban baac.

Falimaha Rasuullada 27:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxay ka cabsadeen inaannu ku dhacno meelo dhagaxyo leh, markaasay waxay doonnida xaggeeda dambe ka tuureen afar barroosin, oo waxay aad u jeclaysteen in maalin noqoto.

Falimaha Rasuullada 27:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo baxriyiintii ayaa waxay damceen inay doonnida ka baxsadaan, oo waxay badda qarsoodi ugu dejiyeen huurigii sidii iyagoo barroosinno ka tuuraya doonnidii xaggeeda hore.

Falimaha Rasuullada 27:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Bawlos boqol-u-taliyihii iyo askartii ku yidhi, Kuwanu haddayan doonnida sii joogin, idinku badbaadi kari maysaan.

Falimaha Rasuullada 27:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa askartii xadhkaha huuriga ka jareen oo ay huurigii sii daayeen inuu dhaco.

Falimaha Rasuullada 27:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intii waagu soo beryayay, ayaa Bawlos wuxuu dadkii oo dhan ka baryay inay wax cunaan, oo wuxuu yidhi, Maanta waa maalintii afar iyo tobnaad intii aad sugayseen oo aad iska soomanaydeen, oo aydnaan waxba qaadan.

Falimaha Rasuullada 27:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad cunto qaadataan, waayo, taasu waa caafimaadkiinna aawadiis; maxaa yeelay, midkiinna tin keliyahu ka go'i maayo madaxiisa.

Falimaha Rasuullada 27:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii uu saas yidhi, ayuu wuxuu soo qaatay kibis, oo dadkii oo dhan hortooda ayuu Ilaah ugu mahadnaqay, oo intuu kala jebiyey ayuu bilaabay inuu wax cuno.

Falimaha Rasuullada 27:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay wada dhiirranaadeen dhammaantood, oo iyagiina wax bay cuneen.

Falimaha Rasuullada 27:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intayadii doonnidii ku jirtay oo dhammu waxaannu ahayn laba boqol iyo lix iyo toddobaatan qof.

Falimaha Rasuullada 27:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii ay cuntada ka dhergeen, ayay doonnidii fududeeyeen, oo sarreenkiina waxay ku tuureen badda.

Falimaha Rasuullada 27:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii waagii beryay, ayay dhulkii garan waayeen; laakiin waxay arkeen marso xeeb leh, oo waxay doonayeen inay doonnidii halkaas ku kaxeeyaan hadday karaan.

Falimaha Rasuullada 27:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay barroosinnadii badda ku xooreen oo badda ku sii daayeen, oo isla markaasba waxay fureen xadhkihii shukaanaha ku xidhnaa, oo intay shiraaqii dabaysha u sii daayeen, ayay xeebta ku hagaageen.

Falimaha Rasuullada 27:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin waxay ku dhaceen meel laba badood isaga darmadaan, markaasaa doonnidii dhulka ku dhufatay; oo dhankeedii hore ayaa meel ku liimbaaday oo waxay noqotay wax aan la dhaqdhaqaajin karin, laakiin dhankii dambe wuxuu bilaabay inuu ku burburo mawjadihii xooggooda.

Falimaha Rasuullada 27:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa askartii waxay ku taliyeen inay maxaabiista laayaan, si aan midkoodna intuu dabaasho uga baxsan.

Falimaha Rasuullada 27:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin boqol-u-taliyihii oo doonayay inuu badbaadiyo Bawlos, ayaa qasdigoodii ka joojiyey; oo wuxuu amray in kuwa dabaalan karaa ay doonnida iska tuuraan, oo ay marka hore dhulka tagaan;

Falimaha Rasuullada 27:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo inta kalena qaar ha ku dabaasho looxaan, qaarna waxyaalo kale oo ay doonnida ka sii qaataan. Oo sidaas daraaddeed waxay noqotay inay dhammaantood dhulkii u baxsadeen iyagoo nabdoon.

Available Bible Translations

American Standard Version
Acts 27 (ASV) »
King James Version
Acts 27 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Acts 27 (GW) »
Berean Bible
Acts 27 (BSB) »
World English Bible
Acts 27 (WEB) »
Louis Segond 1910
Actes 27 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
प्रेरितों के काम 27 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਰਸੂਲਾਂ ਦੇ ਕਰਤੱਬ 27 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
पশিষ্যচরিত 27 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
அப்போஸ்தலருடைய நடபடிகள் 27 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
प्रेषितांचीं कृत्यें 27 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
అపొస్తలుల కార్యములు 27 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
પ્રેરિતોનાં ક્રત્યો 27 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಅಪೊಸ್ತಲರ ಕೃತ್ಯಗಳು 27 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
أَعْمَالُ ٱلرُّسُلِ 27 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
מעשי השליחים 27 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Atos 27 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Công Vụ Các Sứ đồ 27 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Hechos 27 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Atti 27 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
使 徒 行 传 27 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
使 徒 行 傳 27 (CUVT) »
Библия на русском
Деяния 27 (RUSV) »
Українська Біблія
Дії 27 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Apostolok 27 (KAR) »
Българска Библия
Деяния 27 (BULG) »
De Heilige Schrift
Handelingen 27 (NLD) »

Falimaha Rasuullada (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters