Sharciga Kunoqoshadiisa Chapter 4 SOM Bible Verse Images

Sharciga Kunoqoshadiisa 4 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Sharciga Kunoqoshadiisa 4 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Sharciga Kunoqoshadiisa 4:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada aan idin barayo oo yeela si aad u noolaataan, oo aad u gashaan oo aad u hantidaan dalkii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idin siinayo.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo erayga aan idinku amrayo wax ha ku darina, waxna ha ka dhimina, si aad u dhawrtaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan idinku amrayo.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Indhihiinnaad ku aragteen wixii Rabbigu sameeyey Bacal Fecoor aawadiis, maxaa yeelay, nimankii Bacal Fecoor raacay oo dhan Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinna wuu ka wada baabbi'iyey.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse intiinnii ku hadhay Rabbiga Ilaahiinna ah midkiin kastaaba maanta waa nool yahay.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal eega, qaynuunno iyo xukummo ayaan idiin baray sidii Rabbiga Ilaahayga ahu igu amray, inaad saas ku dhex samaysaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba iyaga dhawra oo sameeya, maxaa yeelay, taasu waa xigmaddiinna iyo waxgarashadiinna aad ummadaha hortooda ku yeelanaysaan, kuwaasoo markay qaynuunnadan oo dhan maqlaan odhan doona, Hubaal quruuntan weynu waa dad xigmad leh oo waxgarad ah.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, bal waa tee quruunta weyn oo leh ilaaha saas iyada ugu dhow, siduu inoogu dhow yahay Rabbiga Ilaaheenna ahu mar alla markaynu barinno?

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo bal waa tee quruunta weyn oo haysataa qaynuunno iyo xukummo xaq u ah siduu yahay sharcigan oo dhammu ee aan maanta idin hor dhigayo?

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin digtoonaada oo naftiinna aad u dhawra, si aydaan u illoobin wixii indhihiinnu arkeen oo ayan cimrigiinna oo dhan qalbigiinna uga bixin, iyagase ogeysiiya carruurtiinna iyo carruurtiinna carruurtooda.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Xusuusta maalintii aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa istaagteen oo aad Xoreeb joogteen, markii Rabbigu igu yidhi, Dadka ii soo shiri, oo anna waxaan maqashiinayaa erayadayda inay bartaan inay iga cabsadaan intay dhulka ku nool yihiin oo dhan, oo ay carruurtoodana saas baraan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo idinkuna waad soo dhowaateen oo waxaad istaagteen buurta hoosteedii, oo buurtiina waxaa ka qaxmayay dab samada ku tolan, oo waxaa jiray madow, iyo daruur, iyo gudcur qaro weyn.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu idinkala hadlay dabka dhexdiisii, oo idinku waxaad maqasheen erayada codkoodii, laakiinse wax qaab leh ma aydaan arkin, waxaase keliyahoo aad maqasheen cod.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu idiin caddeeyey axdigii uu idinku amray inaad samaysaan, kaasoo ah tobanka amar, oo wuxuu iyaga ku qoray laba loox oo dhagax ah.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markaas Rabbigu wuxuu igu amray inaan idin baro qaynuunno iyo xukummo, inaad ku dhex samaysaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba aad u digtoonaada, waayo, wax qaab leh ma aydaan arkin cayn kasta ha ahaadee maalintii Rabbigu dabka dhexdiisa idinkala hadlay oo aad joogteen Buur Xoreeb,

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waaba intaasoo aad iskharribtaan, oo aad samaysaan sanam xardhan qaab kasta ha lahaadee, oo u eg lab ama dhaddig,

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
ama u eg dugaagga dhulka jooga, ama u eg haadda cirka dhex duusha,

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
ama u eg wax dhulka gurguurta, ama u eg wax kalluun ah oo ku jira biyaha dhulka ka hooseeya.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ama waa intaasoo aad indhaha samada kor ugu taagtaan, oo markaad aragtaan qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha oo ah ciidanka samada oo dhan, laydin jiitaa oo aad caabuddaan iyaga, oo aad u adeegtaan, kuwaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu u qaybiyey dadyowga samada ka hooseeya oo dhan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse Rabbigu wuu idin qaatay, oo wuxuu idinka soo bixiyey foornadii birta ee dalkii Masar, inaad isaga u noqotaan dad isaga keliyahu leeyahay, siday maantadan tahay.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba Rabbigu wuu iigu cadhooday idinka daraaddiin, oo wuxuu ku dhaartay inaanan Webi Urdun ka gudbin, iyo inaanan gelayn dalka wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu dhaxal idiin siinayo,

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
laakiinse anigu waa inaan dalkan ku dhintaa, oo waa inaanan Webi Urdun ka gudbayn, laakiinse idinku waad gudbi doontaan, waanad hantiyi doontaan dalkaas wanaagsan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Digtoonaada, waaba intaasoo aad illowdaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinla dhigtay, oo aad samaysaan sanam xardhan oo u eg waxyaalihii Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin diiday.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa dab wax baabbi'iya oo waa Ilaah masayr ah.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaad carruur dhashaan oo carruurtiinnuna carruur sii dhasho, oo aad dalka wakhti dheer sii joogtaan, oo aad iskharribtaan, oo aad samaysataan sanam qaab kasta ha lahaadee, oo aad samaysaan wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo aad isaga ka cadhaysiisaan,

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waxaan samada iyo dhulka maanta ugu yeedhayaa inay idinku marag furaan, inaad dhaqso uga wada baabbi'i doontaan dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan. Dalkaas cimrigiinnu kuma raagi doono, laakiinse kulligiin waad wada baabbi'i doontaan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Rabbigu wuxuu idinku kala firdhin doonaa dadyowga dhexdooda, oo quruumaha Rabbigu xaggooda idiin hoggaamin doono idinkoo yar ayaad ku dhex hadhi doontaan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo halkaas waxaad u adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse haddaad halkaas Rabbiga Ilaahiinna ah ka doondoontaan, waad heli doontaan, haddaad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku doondoontaan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaad dhib ku dhex jirtaan, oo waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, marka u dambaysa waxaad ku soo noqon doontaan Rabbiga Ilaahiinna ah, codkiisana waad dhegaysan doontaan,

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaah naxariis badan, oo isagu idin gabi maayo, idinna baabbi'in maayo, illoobina maayo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal haatan weyddii waayihii tegey oo idinka horreeyey, ilamaa maalintii Ilaah dadka ku abuuray dhulka, iyo samada geesteed ilaa geesteeda kale, inay jireen ama la maqlay wax sidan oo kale u weyn.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
War weligeed dad ma maqlay codkii Ilaah oo ka hadlaya dab dhexdiisa sidaad u maqasheen oo kale, oo ma sii noolaaday?

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weligiis Ilaah maysku dayay inuu quruun dhexdeed kala soo baxo quruun kale, oo ma kaga soo bixiyey jirrabaadyo, iyo calaamooyin, iyo yaabab, iyo dagaal, iyo gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkoo u jeeda uu idiinku sameeyey dalkii Masar?

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo taas waxaa laydiin tusay inaad ogaataan in Rabbigu yahay Ilaah, oo isaga mooyaane mid kale ma jiro.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo isagu samaduu codkiisa idinka maqashiiyey si uu wax idiin baro, oo dhulka dushiisana wuxuu idinka tusay dabkiisii weynaa, oo erayadiisiina waad ka maqashay dabka dhexdiisa.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuu jeclaa awowayaashiin, oo sidaas daraaddeed ayuu doortay farcankoodii iyaga ka dambeeyey, oo wuxuu dalkii Masar idinkaga soo bixiyey lajiriddiisa iyo xooggiisa weyn,

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo inuu hortiinna ka eryo quruumo idinka waaweyn oo idinka xoog badan, oo uu dalkooda idin geliyo oo uu dhaxal idiin siiyo siday maanta tahay.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba maanta ogaada oo qalbiga geliya in Rabbigu yahay Ilaah jooga xagga samada sare iyo xagga dhulka hooseba, oo isaga mooyaane uusan mid kale jirin.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waa inaad dhawrtaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan maanta idinku amrayo, inaad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaaba nabdoonaataan, oo uu cimrigiinnu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo inaad weligiin lahaataan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Muuse wuxuu gooni ka dhigay saddex magaalo oo ku taal Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa,

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
in gacankudhiiglihii deriskiisa kama' u dilo, isagoo aan wakhti hore nebcayn, uu halkaas ku cararo, iyo in hadduu magaalooyinkan middood ku cararo uu noolaado.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Saddexdaas magaalona waxay ahaayeen Beser oo ku taal cidlada ah waddanka bannaan oo uu u doortay reer Ruubeen, iyo Raamod oo Gilecaad ku taal oo uu u doortay reer Gaad, iyo Goolaan oo Baashaan ku taal oo uu u doortay reer Manaseh.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kanu waa sharcigii Muuse hor dhigay reer binu Israa'iil,

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:45 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
kuwanuna waa markhaatifurkii iyo qaynuunnadii iyo xukummadii uu Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay dalkii Masar ka soo baxeen,

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:46 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:47 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dalkiisii bay hanti u qaateen iyo dalkii boqorkii Baashaan oo Coog ahaa, kuwaasoo ahaa labadii boqor oo reer Amor oo joogay Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa.

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:48 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxay qabsadeen tan iyo Carooceer oo ku taal Dooxada Arnoon qarkiisa iyo xataa Buur Sii'oon (taasu waa Buur Xermoon),

Sharciga Kunoqoshadiisa 4:49 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Caraabaah Webi Urdun ka shishaysa oo dhan oo xagga bari ka xigta, iyo tan iyo badda Caraabaah oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah.

Available Bible Translations

American Standard Version
Deuteronomy 4 (ASV) »
King James Version
Deuteronomy 4 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Deuteronomy 4 (GW) »
World English Bible
Deuteronomy 4 (WEB) »
Louis Segond 1910
Deutéronome 4 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
व्यवस्थाविवरण 4 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਅਸਤਸਨਾ 4 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
দ্বিতীয় বিৱৰণ 4 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
உபாகமம் 4 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
अनुवाद 4 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
ద్వితీయోపదేశ కాండము 4 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
પુનર્નિયમ 4 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಧರ್ಮೋಪದೇಶಕಾಂಡ 4 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
اَلتَّثْنِيَة 4 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
דברים 4 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Deuteronômio 4 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Phục Truyền Luật Lệ 4 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Deuteronomio 4 (RVA) »
圣 经 简体中文和合本
申 命 记 4 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
申 命 記 4 (CUVT) »
Svenska Bibeln 1917
5 Mosebok 4 (SV1917) »
Библия на русском
Второзаконие 4 (RUSV) »
Українська Біблія
Повторення Закону 4 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
5 Mózes 4 (KAR) »
Българска Библия
Второзаконие 4 (BULG) »
聖書 日本語
申命記 4 (JPN) »
Biblia Takatifu
Torati 4 (SWHULB) »
De Heilige Schrift
Deuteronomium 4 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
5 Mosebog 4 (DA1871) »

Sharciga Kunoqoshadiisa (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters