Xaakinnada 19 SOM
Xaakinnada Chapter 19 SOM Bible Verse Images
Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International
Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.
You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:
- You must give Attribution to the work.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.
Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.
This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:
- You include the above copyright and source information.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures
Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waagaas markii aanay reer binu Israa'iil boqor lahayn, waxaa jiray nin reer Laawi ah oo degganaa dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo kaasuna addoon buu ka guursaday Beytlaxam Yahuudah.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay naagtiisii addoonta ahayd ka dhillowday, oo intay isagii ka tagtay ayay aadday gurigii aabbeheed oo ku yiil Beytlaxam Yahuudah, oo halkaasay joogtay intii afar bilood ah.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ninkeedii kacay oo iyadii doonay, inuu si raxmad leh ula hadlo oo soo celiyo; oo wuxuu u tegey iyadii, isagoo wata midiidinkiisii iyo laba dameer. Markaasay isagii soo gelisay gurigii aabbeheed; oo gabadha aabbeheedna markuu isagii arkay ayuu ku farxay inuu la kulmo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa soddoggiis oo gabadha aabbeheed ahaa ayaa raajiyey isagii, oo saddex maalmood ayuu la joogay; markaasay wax cuneen oo cabbeen oo halkaasay ku hoydeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo maalintii afraad aroor hore ayay tooseen, oo wuxuuna u kacay inuu tago. Markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ku yidhi wiilkii uu soddogga u ahaa, Bal nafta ugu raaxee wuxoogaa cunto ah, dabadeedna waad tegaysaaye.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed way fadhiisteen, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen oo cabbeen, markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ninkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, raalli ahow, caawa oo dhanna iska joog, oo qalbigaaguna ha faraxsanaado.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ninkii u kacay inuu tago; laakiinse soddoggiis baa ku sii adkeeyey, oo halkaasuu ku hoyday haddana.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo haddana maalintii shanaad ayuu aroor hore u kacay inuu tago; markaasaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Waan ku baryayaaye iska raaxayso, oo iska joog ilaa gelinka dambe, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii ninkii u kacay inuu tago, isagii iyo naagtiisii addoonta ahayd, iyo midiidinkiisiiba, ayaa soddoggiis oo ahaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Bal eeg haatan qorraxdu waa sii dhacaysaaye, haddaba waan ku baryayaaye, bal caawa oo dhanna iska joog; bal eeg haatan waa gabbaldhac, de halkan isaga hoyo, in qalbigaagu iska faraxsanaado; oo haddana berri aroorta hore iska tag oo gurigaagii aad.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse ninkii ma doonaynin inuu habeenkaas joogo, wuuse kacay oo tegey, oo wuxuu yimid meel ku toosan Yebuus, (taas oo ah Yeruusaalem); oo wuxuu watay laba dameer oo kooraysan, oo naagtiisii addoonta ahaydna way la socotay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markay Yebuus ku soo dhowaadeenna maalintii horay u badatay; markaasaa midiidinkii wuxuu sayidkiisii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay oo aynu ku leexanno magaaladan reer Yebuus oo aynu u hoyanno.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasaa sayidkiisii ku yidhi, Dad shisheeye ah oo aan reer binu Israa'iil ahayn magaaladiis ku leexan mayno; laakiinse waxaynu u gudbaynaa xagga Gibecaah.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Kaalay oo aynu ku dhowaanno meelahan middood; oo waxaynu u hoyanaynaa Gibecaah, ama Raamaah.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasay iska sii socdeen oo jidkoodii qaadeen; oo waxaa qorraxdu ugu dhacday iyagoo ag jooga Gibecaah oo ay reer Benyaamiin lahaayeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay halkaas ku leexdeen inay u hoydaan Gibecaah. Kolkaasuu galay, oo wuxuu fadhiistay jidkii magaalada; waayo, ninna gurigiisii ma gelin inay u hoydaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo fiidkii oday baa shuqulkiisii beerta ka yimid. Haddaba ninku wuxuu ahaa reer Efrayimkii dalka buuraha leh degganaa, oo Gibecaahna qariib buu ku ahaa; laakiinse dadkii meesha degganaa waxay ahaayeen reer Benyaamiin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu indhihiisii kor u qaaday, oo wuxuu jidkii magaalada ku arkay ninkii socotada ahaa. Markaasaa odaygii yidhi, Xaggee baad u socotaa? Oo xaggee baad ka timid?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaannu ka gudbaynaa Beytlaxam Yahuudah; oo dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim ayaannu tegaynaa. Anigu xaggaas baan ka imid, oo waxaan tegey Beytlaxam Yahuudah; oo haatan waxaan u socdaa guriga Rabbiga, oo nin gurigiisa i geliyeyna ma jiro.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Weliba dameerahayaga waa loo hayaa caws iyo cuntoba; oo kibis iyo khamrina waa u diyaar aniga iyo gabadhaada addoonta ah, iyo weliba ninka dhallinyarada ah ee nala socda annagoo addoommadaada ah, haddaba wax loo baahan yahay ma jiraan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markaasaa odaygii yidhi, Nabadu ha kula jirto; habase yeeshee waxaad u baahan tahay oo dhammu ha i saarnaadeen; laakiin jidka ha u hoyan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu gurigiisii geliyey, oo dameerihii cuntuu siiyey; oo iyana intay cago maydheen ayay wax cuneen oo cabbeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intay farxayeen waxaa yimid raggii magaalada oo niman xunxun ah, oo intay guriga hareereeyeen ayay albaabkii garaaceen, markaasay la hadleen odaygii guriga lahaa, oo ku yidhaahdeen, Noo soo bixi ninkii gurigaaga soo galay, aannu u tagnee.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa ninkii guriga lahaa dibadda ugu baxay oo ku yidhi, Maya, walaalahayow, waan idin baryayaaye, ha samaynina wax sidaas u shar ah, maxaa yeelay, ninkanu gurigayguu galay ee ha ku samaynina xumaantan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal eega, waxaa jooga gabadhaydii oo bikrad ah iyo naagtiisii addoonta ahayd; haddaba iyagaan idiin soo bixinayaaye, iyaga kufsada oo sidaad doonaysaan ka yeela; laakiinse ninkan ha ku samaynina xumaan caynkan ah.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse raggii ma ay doonaynin inay dhegaystaan, sidaas daraaddeed ninkii wuxuu qabtay naagtiisii addoonta ahayd, dibadduuna ugu soo saaray; kolkaasay iyadii kufsadeen, oo si xun bay u galeen habeenkii oo dhan ilaa subaxdii; oo markii waagu baryayay ayay iska sii daayeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa naagtii timid markii waagu soo kaahay, oo waxay ku dhacday albaabkii ninkii gurigiisa oo uu sayidkeedii joogay, ilaa ay iftiin noqotay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa sayidkeedii kacay aroortii, oo albaabbadii guriga furay, oo inuu tago ayuu dibadda ugu soo baxay; oo bal eeg, naagtiisii addoonta ahayd waxay ku dhacday guriga iriddiisa, oo gacmaheeduna waxay saarnaayeen marinka.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa bal kac, oo ina keen aan tagnee; laakiinse cidna uma ay jawaabin; markaasuu dameerkiisii saaray, oo meeshiisii u kacay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markuu gurigiisii galay ayuu mindi qaaday, oo intuu naagtiisii addoonta ahayd qabtay ayuu xubin xubin u kala gooyay, oo wuxuu ka dhigay laba iyo toban cad, oo wuxuu u diray xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan inta ka dhex leh.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kulli wax alla wixii arkayba waxay yidhaahdeen, Maalintii ay dalka Masar ka soo baxeen ilaa maantadan la joogo reer binu Israa'iil laguma samayn, lagumana arag, shuqul caynkan ah; haddaba bal ka fiirsada, oo ka tashada, oo ka hadla.
Available Bible Translations
Judges 19 (ASV) »
Judges 19 (KJV) »
Judges 19 (GW) »
Judges 19 (BSB) »
Judges 19 (WEB) »
Juges 19 (LSG) »
Richter 19 (LUTH1912) »
न्यायियों 19 (HINIRV) »
ਕਜ਼ਾૃ 19 (PANIRV) »
বিচাৰকর্তাবিলাক 19 (BENIRV) »
நியாயாதிபதிகள் 19 (TAMIRV) »
शास्ते 19 (MARIRV) »
న్యాయాధిపతులు 19 (TELIRV) »
ન્યાયાધીશો 19 (GUJIRV) »
ನ್ಯಾಯಸ್ಥಾಪಕರು 19 (KANIRV) »
اَلْقُضَاة 19 (AVD) »
שפטים 19 (HEB) »
Juízes 19 (BSL) »
Các Thủ Lãnh 19 (VIE) »
Jueces 19 (RVA) »
Giudici 19 (RIV) »
士 师 记 19 (CUVS) »
士 師 記 19 (CUVT) »
Gjyqtarët 19 (ALB) »
Domarboken 19 (SV1917) »
Книга Судей 19 (RUSV) »
Книга Суддів 19 (UKR) »
Bírák 19 (KAR) »
Съдии 19 (BULG) »
士師記 19 (JPN) »
Dommerne 19 (NORSK) »
Waamuzi 19 (SWHULB) »
Księga Sędziów 19 (POLUBG) »
Richtere 19 (NLD) »
Dommer 19 (DA1871) »