Yooxanaa 7 SOM
Yooxanaa Chapter 7 SOM Bible Verse Images
Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International
Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.
You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:
- You must give Attribution to the work.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.
Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.
This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:
- You include the above copyright and source information.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures
Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Iiddii Yuhuudda oo tii waababka ahayd way dhowayd.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ma jiro nin si qarsoon wax u sameeyaa markuu doonayo in bayaan loo ogaado. Haddaad waxyaalahan samayso, dunida isu muuji.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Wakhtigaygu weli ma iman, laakiin wakhtigiinnu goor walba wuu joogaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Idinku iidda u kaca, anigu iiddan weli u kici maayo, waayo, wakhtigaygu weli ma dhammaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markuu waxyaalahaas iyagii ku yidhi, weli wuxuu sii joogay Galili.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markii walaalihiis iiddii u kaceen, ayuu isaguna markaas xaggeeda u kacay, bayaan kuma tegin, laakiin sidii mid isqarinaya buu u tegey.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Yuhuuddu haddaba iidday ka dooneen, oo waxay yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dadkii badnaa aad bay uga gunuuneceen isaga, qaarkood waxay yidhaahdeen, Waa nin wanaagsan; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Sidaas ma aha, laakiin dadkii badnaa ayuu khiyaaneeyaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba ninna bayaan isaga ugama hadlin cabsiday ka cabsanayeen Yuhuudda aawadeed.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin markay ahayd iidda dhexdeeda Ciise wuxuu u kacay macbudka, wax ayuuna ku baray.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa aawadeed Yuhuuddii ayaa la yaabtay iyagoo leh, Sidee baa kanu qorniinka u yaqaan isagoo aan weligiis baran?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ciise ayaa haddaba u jawaabay oo ku yidhi, Waxbariddaydu tayda ma aha, laakiin waxaa leh kan i soo diray.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda, inay tahay tii Ilaah amase aan qudhaydu iska hadlayo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Jinni baad qabtaa. Yaa doonaya inuu ku dilo?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Shuqul keliya ayaan sameeyey, kulligiinna waad la yaabteen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis sabtidii bogsiiyey?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Aragtida waxba ha ku xukumina, laakiin ku xukuma xukunka xaqa ah.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal fiiriya, bayaan buu u hadlaa, waxbase kuma yidhaahdaan. Taliyayaashu runtii ma og yihiin inuu kanu yahay Masiixa?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin kani meeshuu ka yimid waannu og nahay, markuuse Masiixu yimaado, ninna garan maayo meeshuu ka imanayo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Anigu waa aqaan, waayo, isagaan ka imid, wuuna i soo diray.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa aawadeed waxay dooneen inay qabtaan, laakiin ninna faro ma uu saarin, waayo, saacaddiisii weli ma iman.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin qaar badan oo dadkii ahi way rumaysteen, waxayna yidhaahdeen, Masiixu markuu yimaado miyuu samayn doonaa calaamooyin ka badan kuwii kanu sameeyey?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Farrisiintu way maqleen dadkii badnaa oo ka gunuunacayay waxaas ku saabsanaa isaga, wadaaddadii sarena iyo Farrisiintii waxay u direen saraakiil inay soo qabtaan isaga.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Weli in yar baan idinla joogayaa, markaasaan u tegayaa kii i soo diray.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaas ayuu kaga hadlay Ruuxa oo ay kuwii isaga rumaystay heli doonaan, waayo, Ruuxa weli lama bixin, maxaa yeelay, Ciise weli ma ammaanmin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa aawadeed dadkii badnaa qaarkood, goortay hadalladaas maqleen, waxay yidhaahdeen, Runtii kanu waa nebigii.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Kanu waa Masiixii. Qaarse waxay yidhaahdeen, Laakiin Masiixii ma wuxuu ka imanayaa Galili?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qorniinku miyaanu odhan, Masiixu wuxuu ka iman doonaa farcanka Daa'uud iyo tuuladii Beytlaxam oo Daa'uud joogay?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa kala qaybsamay aawadiis.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qaarkood baa doonay inay qabtaan, laakiinse ninna faro ma uu saarin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Saraakiishii haddaba waxay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo Farrisiintii, iyaguna waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u keeni weydeen?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Saraakiishii waxay ugu jawaabeen, Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Farrisiintii haddaba waxay iyaga ugu jawaabeen, Idinkana ma laydin khiyaaneeyey?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Miyaa taliyayaasha midkood ama Farrisiinta rumaystay isaga?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin dadkan badan oo aan sharciga garanaynin waa inkaaran yihiin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Nikodemos (kii markii hore Ciise u yimid, isagoo ah midkood) wuxuu iyaga ku yidhi,
Square Portrait Landscape 4K UHD
Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma reer Galili baad tahay? Doondoon, oo arag inaan nebi ka kacayn Galili.
Available Bible Translations
John 7 (ASV) »
John 7 (KJV) »
John 7 (GW) »
John 7 (BSB) »
John 7 (WEB) »
Jean 7 (LSG) »
Johannes 7 (LUTH1912) »
यूहन्ना 7 (HINIRV) »
ਯੂਹੰਨਾ 7 (PANIRV) »
যোহন 7 (BENIRV) »
யோவான் 7 (TAMIRV) »
योहान 7 (MARIRV) »
యోహాను 7 (TELIRV) »
યોહાન 7 (GUJIRV) »
ಯೋಹಾನನು 7 (KANIRV) »
يوحنَّا 7 (AVD) »
הבשורה על־פי יוחנן 7 (HEB) »
João 7 (BSL) »
Giăng 7 (VIE) »
Juan 7 (RVA) »
Giovanni 7 (RIV) »
约 翰 福 音 7 (CUVS) »
約 翰 福 音 7 (CUVT) »
Gjoni 7 (ALB) »
Johannes 7 (SV1917) »
Иоанна 7 (RUSV) »
Івана 7 (UKR) »
János 7 (KAR) »
Йоан 7 (BULG) »
ヨハネによる福音書 7 (JPN) »
Johannes 7 (NORSK) »
Yohana 7 (SWHULB) »
Jana 7 (POLUBG) »
Johannes 7 (NLD) »
Johannes 7 (DA1871) »