Yooxanaa 9 SOM
Yooxanaa Chapter 9 SOM Bible Verse Images
Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International
Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.
You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:
- You must give Attribution to the work.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.
Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.
This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:
- You include the above copyright and source information.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures
Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala'aan ku dhashay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Xertiisu waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, yaa dembaabay, ma kan baa mise waa waalidkiis, inuu indhala'aan ku dhasho?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ciise ayaa ugu jawaabay, Ninkan iyo waalidkiis midna ma dembaabin, laakiin waa in shuqullada Ilaah lagu muujiyo isaga.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waa inaan samayno shuqullada kii i soo diray intay maalin tahay; habeen baa imanaya mar aan ninna shaqayn karin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Intaan dunida joogo, waxaan ahay nuurkii dunida.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markuu sidaas yidhi, ayuu dhulka candhuuf ku tufay, oo candhuuftii dhoobo ka sameeyey, markaasuu dhoobadii wuxuu mariyey ninkii indhihiisii,
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo ku yidhi, Bax oo ku soo maydho balliga Siloo'am la yidhaahdo (oo fasirkiisii yahay, Waa la diray). Wuu tegey haddaba oo soo maydhay, markaasuu yimid isagoo wax arkaya.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa daraaddeed derisyadii iyo kuwii hortii arki jiray inuu miskiin yahay, waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kii fadhiyi jiray oo dawarsan jiray?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qaar baa yidhi, Waa isagii, Qaarna waxay yidhaahdeen, Maya, laakiin waa u eg yahay. Isagaa yidhi, Isagii baan ahay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa daraaddeed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba sidee bay indhahaagu u furmeen?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuu ugu jawaabay, Ninka Ciise la yidhaahdo ayaa dhoobo sameeyey oo indhahayga mariyey, oo wuxuu igu yidhi, Siloo'am u kac, oo ku soo maydho, Sidaa aawadeed ayaan tegey, oo markaan soo maydhay ayaan arag helay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa? Isaguse wuxuu ku yidhi, Ma ogi.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa kii markii hore indhaha la'aa waxaa loo geeyey Farrisiintii.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxayna ahayd sabti maalintii Ciise dhoobada sameeyey oo indhihiisii furay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Mar kale haddaba Farrisiintii waxay weyddiiyeen siduu araggiisa ku helay. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Dhoobuu indhahayga mariyey, oo aan maydhay, oo wax baan arkayaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa aawadeed Farrisiinta qaarkood waxay yidhaahdeen, Ninkan xaggii Ilaah kama iman, waayo, sabtida ma dhawro. Qaar kalese waxay yidhaahdeen, Sidee baa nin dembi leh calaamooyinkan oo kale u samayn karaa? Markaasay kala qaybsameen dhexdoodii.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxay haddaba ninkii indhaha la'aa ku yidhaahdeen, Maxaad ka leedahay isaga, waayo, waa kan indhahaaga furaye? Wuxuu ku yidhi, Waa nebi.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa aawadeed Yuhuuddu kama rumaysanin inuu indha la'aa, oo uu araggiisa helay, ilaa ay u yeedheen waalidkii kii araggiisa helay,
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo weyddiiyeen, iyagoo leh, Kanu ma wiilkiinnii baa aad leedihiin, Wuxuu ku dhashay indhala'aan? Sidee buu hadda wax ku arkaa?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waalidkiis waxay haddaba ugu jawaabeen, Waannu garanaynaa kani inuu wiilkayagii yahay oo uu indhala'aan ku dhashay,
Square Portrait Landscape 4K UHD
laakiin siduu hadda wax ku arko garan mayno, kii indhihiisii furayna garan mayno. Isaga weyddiiya. Waa nin weyn. Waa isu hadli doonaaye.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxyaalahaas waxay waalidkiis u yidhaahdeen, waayo, Yuhuudday ka baqeen. Maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay mar hore ku heshiiyeen in qof uun hadduu u qirto inuu yahay Masiixa, sunagogga laga saaro.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa aawadeed waalidkiis waxay ku yidhaahdeen, Waa nin weyn ee weyddiiya isaga.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba mar labaad ayay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Ilaah ammaan. Waxaannu garanaynaa inuu ninkanu dembi leeyahaye.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuu haddaba ugu jawaabay, Inuu dembi leeyahay garan maayo, waxa keli ahoo aanse garanayaa, inaan indha la'aa, oo aan haddana wax arkayo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Muxuu kugu sameeyey? Sidee buu indhahaaga u furay?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuu ugu jawaabay, Horaan idiinku sheegay, mana aydnaan maqlin. Maxaad u doonaysaan inaad mar kale maqashaan? Idinkuna ma waxaad doonaysaan inaad xertiisa noqotaan?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay caayeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adigu xertiisa baad tahay, annaguse waxaannu nahay xertii Muuse.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaannu garanaynaa inuu Ilaah la hadlay Muuse, laakiinse ninkanu meeshuu ka yimid garan mayno.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ninkii baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxakanu waa yaab inaydnaan garanaynin meeshuu ka yimid, isaguna uu indhaha ii furay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waannu garanaynaa inaan Ilaah dembilayaashii maqlayn, laakiin wuxuu maqlaa kii Ilaah caabuda oo doonistiisa sameeya.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Tan iyo dunida bilowgeedii lama maqlin nin indhaha u furay qof indhala'aan ku dhashay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ninkanu haddaanu xaggii Ilaah ka iman, waxba ma uu samayn kareen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Dhammaantaaba dembiyo waad ku dhalatay ee ma wax baad na baraysaa? Kolkaasay dibadda ku tuureen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ciise ayaa maqlay inay dibadda ku tuureen, wuuna helay oo ku yidhi, Wiilka Ilaah ma rumaysan tahay?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yuu yahay, Sayidow, aan rumaystee?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ciise ayaa ku yidhi, Waad aragtay, waana isaga kan kula hadlayaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ku yidhi, Waa rumaysnahay, Sayidow. Wuuna caabuday.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ciise wuxuu yidhi, Waxaan dunidan u imid xukun, kuwa aan wax arkin inay wax arkaan, kuwa wax arkaana inay indho beelaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwii Farrisiinta ahaa oo la joogay ayaa waxyaalahaas maqlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Annaguna ma indha la' nahay?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad indhala'aan lahaydeen, dembi ma aydin lahaateen, laakiinse haatan waxaad tidhaahdaan, Wax baannu aragnaa. Dembigiinnu waa sii jiraa.
Available Bible Translations
John 9 (ASV) »
John 9 (KJV) »
John 9 (GW) »
John 9 (BSB) »
John 9 (WEB) »
Jean 9 (LSG) »
Johannes 9 (LUTH1912) »
यूहन्ना 9 (HINIRV) »
ਯੂਹੰਨਾ 9 (PANIRV) »
যোহন 9 (BENIRV) »
யோவான் 9 (TAMIRV) »
योहान 9 (MARIRV) »
యోహాను 9 (TELIRV) »
યોહાન 9 (GUJIRV) »
ಯೋಹಾನನು 9 (KANIRV) »
يوحنَّا 9 (AVD) »
הבשורה על־פי יוחנן 9 (HEB) »
João 9 (BSL) »
Giăng 9 (VIE) »
Juan 9 (RVA) »
Giovanni 9 (RIV) »
约 翰 福 音 9 (CUVS) »
約 翰 福 音 9 (CUVT) »
Gjoni 9 (ALB) »
Johannes 9 (SV1917) »
Иоанна 9 (RUSV) »
Івана 9 (UKR) »
János 9 (KAR) »
Йоан 9 (BULG) »
ヨハネによる福音書 9 (JPN) »
Johannes 9 (NORSK) »
Yohana 9 (SWHULB) »
Jana 9 (POLUBG) »
Johannes 9 (NLD) »
Johannes 9 (DA1871) »