Matayos 24 SOM
Matayos Chapter 24 SOM Bible Verse Images
Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International
Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.
You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:
- You must give Attribution to the work.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.
Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.
This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:
- You include the above copyright and source information.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures
Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ciise ayaa macbudka ka baxay, oo intuu tegayay ayaa xertiisii u timid inay tusaan dhismaha macbudka.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan waxyaalahan oo dhan arkaynin? Runtii waxaan idinku leeyahay, Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo goortuu Buur Saytuun fadhiistay, xertii ayaa keli ahaan ugu timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamada imaatinkaaga iyo dhammaadka wakhtiga dunidu maxay ahaan doontaa?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay Masiixa, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaad maqli doontaan dagaallo iyo dagaallo hadalhayntood. Iska jira, hana baqanina, waayo, waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona abaaro iyo dhulgariir.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa dhib laydiin gaysan doonaa, waana laydin dili doonaa, oo magacayga aawadiis ayaa quruumaha oo dhammi idiin nebcaan doonaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maarkaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacangelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa kici doona nebiyo badan oo been ah, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dembigu waa badnaan doonaa, taa aawadeed qaar badan jacaylkoodu waa yaraan doonaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin kii adkaysta ilaa ugu dambaysta, kaasaa badbaadi doona.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo injiilkan boqortooyada ayaa dunida oo dhan lagu wacdiyi doonaa inuu marag u noqdo Quruumaha oo dhan, dabadeedna ugudambaysta ayaa iman doonta.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto),
Square Portrait Landscape 4K UHD
markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii guri fuushanuna yaanu u soo degin inuu wixii gurigiisa ku jira soo qaato.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii beerta joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Barya inaan cararkiinnu noqon wakhtiga qabowga ama sabtida.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, markaas waxaa jiri doona dhib weyn sida mid aan jirin tan iyo dunida bilowgeedii ilaa hadda, mana jiri doonto weligeed.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo haddaan wakhtigaas la gaabin ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwa la doortay aawadood ayaa wakhtigaas loo gaabin doonaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maarkaas haddii laydinku yidhaahdo, Waa kan Masiixa ama waa kaas, ha rumaysanina.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba hadday idinku yidhaahdaan, Bal eega, wuxuu joogaa cidlada, ha u bixina. Bal eega, wuxuu joogaa qolalka qarsoon, ha rumaysanina.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, sida hillaacu bari uga yimaado oo u ifiyo galbeed, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Meel alla meeshii bakhtigu yaal, halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa waxaa cirka ka soo muuqan doona calaamada Wiilka Aadanaha, markaas ayaa qolooyinka dhulka oo dhammu barooran doonaan, oo waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka ku imanaya isagoo leh xoog iyo ammaan weyn.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa oo wata buun weyn, oo kuwuu doortay ayay ka soo ururin doonaan afarta jahood cirka meesha ugu fog ilaa meesheeda kale.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Idinkuna sidaas oo kale goortaad waxan oo dhan aragtaan, garta inuu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbahay keliya maahee.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sida wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, siday wax u cunayeen oo wax u cabbayeen, oo u guursanayeen oo loogu guurinayay maalmihii daadka hortiisa ilaa maalintii Nuux doonnida galay,
Square Portrait Landscape 4K UHD
wayna garan waayeen ilaa daadkii yimid oo kulligood wada qaaday, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaas laba nin ayaa beerta ku jiri doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laba naagood ayaa dhagax wax ku shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba soo jeeda, waayo, ma aad ogidin maalinta Rabbigiinnu imanayo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa wakhtiga tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo ma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaa darteed idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba yuu yahay addoonka aaminka ah oo caqliga leh, kan sayidkiisu dadka gurigiisa u sarreeysiiyey inuu cuntada siiyo wakhtigeeda?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin haddii addoonkaas sharka leh qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkaygu waa raagay,
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo uu bilaabo inuu garaaco kuwii la shaqayn jiray, oo uu wax la cuno oo wax la cabbo kuwa sakhraanka ah,
Square Portrait Landscape 4K UHD
addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn iyo saacad aanu ogayn,
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
Available Bible Translations
Matthew 24 (ASV) »
Matthew 24 (KJV) »
Matthew 24 (GW) »
Matthew 24 (BSB) »
Matthew 24 (WEB) »
Matthieu 24 (LSG) »
Matthäus 24 (LUTH1912) »
मत्ती 24 (HINIRV) »
ਮੱਤੀ 24 (PANIRV) »
মথি 24 (BENIRV) »
மத்தேயு 24 (TAMIRV) »
मत्तय 24 (MARIRV) »
మత్తయి 24 (TELIRV) »
માથ્થી 24 (GUJIRV) »
ಮತ್ತಾಯನು 24 (KANIRV) »
مَتَّى 24 (AVD) »
הבשורה על־פי מתי 24 (HEB) »
Ma-thi-ơ 24 (VIE) »
Mateo 24 (RVA) »
Matteo 24 (RIV) »
马 太 福 音 24 (CUVS) »
馬 太 福 音 24 (CUVT) »
Mateu 24 (ALB) »
Matteus 24 (SV1917) »
Матфея 24 (RUSV) »
Матвія 24 (UKR) »
Máté 24 (KAR) »
Матей 24 (BULG) »
マタイによる福音書 24 (JPN) »
Matteus 24 (NORSK) »
Mathayo 24 (SWHULB) »
Mateusza 24 (POLUBG) »
Mattheüs 24 (NLD) »
Matthæus 24 (DA1871) »